Alle haw naxariistee habeenimadii xalay Hal qof ayaa ku dhintay Bullaacad uu ka shaqaynayay oo ku soo duntay
Alle haw naxariistee habeenimadii xalay Hal qof ayaa ku dhintay Bullaacad uu ka shaqaynayay oo ku soo duntay xaafada Jameecada ee magaalada Hargeysa.
Ciidamada Dab-demiska Hargeysa ayaa goobtaa si degdeg ah u gaadhay, waxaana maydkii ka soo saareen Bullaacada oo ku taalay Guriga.
Goobta ninku ku dhintay ayaa ahayd Bullaacad ku dhextaalay Gurigaas. Marxuumka ayaa ahaa Itoobiyaan gaar ahaan qoomiyada Oromada.
Ciidanka Dab-demiska ayaa maydkii ku wareejiyay ciidanka Booliska gaar ahaan CID da.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka waantoobaan halista ay keeni karaan bullaacadaha iyo godadku, sidoo kale marka la samaynayo bullaacadaha inaan laga shaqayn karin habeenimo, amar laโaana lagu samayn karin.
Alle haw naxariisto marxuumka, Aamiin Aamiin Aamiin.