Jabhadda TPLF Oo Burburisay Masjidkii Qadiimiga Ahaa

Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray ee (TPLF) ayaa lagu eedeeyay inay burburiyeen masjid taariikhi ah oo ku yaalla waqooyi-galbeed gobolka Amxaarada, iyo dilka arday wax ka dhiganaysay madaraso lagu barto diinta Islaamka oo halkaas ku taalla.

Warbaahinta FANA ayaa shaacisay in Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada uu shaaciyey TPLF ay urburiyeen Masjid taariikhi ah oo ku yaal magaalada Zarema, ee waqooyiga Gondar, iyagoo la dhacay madaafiic culus.

Xoghayaha guud ee Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada, Xaaji Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in weerrarka uu qeexayo sida ururkaasi uu u sii wado falalka ka dhanka ah diinta ee qaybta ka ah sida ay doonayaan inay dalka ku burburiyaan.

Waxay sheegeen in masjidkaasi uu boqolaal sano ku yaallay halkaasi, isagoo intaas ku daray in hogaamiyahaasi uu sheegay in fallaagadu ay madarasooyin ku laysay arday badan, caddeyna u hayaan dhowr masjid iyo goobo diimeed uu sheegay inay TPLF burburisay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker