JOOJINTA JAADKA & XUKUUMADDA

Aragtidaydu Waa:
. JAADKA: Jaadka Xiligiisa Xayiraada ha la dheereeyo si Dadku uga soo kabtaan Cudurada Cunista Jaadku Naftooda Gaadhsiiyey oo ay ugu Horayso Qabatinku “Addiction”. Markay Mudo Waayaan Waa Hubaal inay ka Caafimaadi doonaan Cunistiisa & Raadintiisaba “Dalalka Yurub & America” ayaa tusaale idiinku Filan”, Soomaaliyi Markii Qaadka la joojiyey bay Xoogsi, Xeeladaysi & Waxbarasho u Dareereen.

2) DAREEWALKA: Dareewalka lagu Qabto isagoo Qaad sida Waa inuu ku Mutaystaa Xabsi Dheer oon Gadasho, Cafis & Damaanad Midna lahayn “Qaarkale oo Jidkan Mari lahaa bay tusaale u Noqonaysaa oo kaga Joogi”.

3) GAADIIDKA: Gaadiidka Jaadka lagu Qabto Waa in Xukuumadu la Wareegtaa una Qaybisaa Hayadaha Caafimaadka, Waxbarashadda, Booliska, Asluubta & Ciidamada Qalabka sida. Milkiilaha Gaadiidka waxaa xil ka saaran yahay ka warhaynta halka Gaadiidkiisu Marayo & Wacyigelinta Dareewalka Gaadhiga u Wadda oo Marka horeba lagu xusho inuusan Jaadka Cunin “Ogaada Gaadiidka ugu Shilka Badan waxaa Sababa Dareewal Jaad Cunayey”.

4) XUKUUMADDA: Xukuumaddu Waa Inay Degdeg Golayaasha Qaranka ugu Gudbisaa Kaabista Xeerka Jaadka oo ka Bilaabanaysa Xiligii la joojiyey.

5) GOLAYAASHA: Golayaasha Qaranku waa inay Xeerkan Ka Gutaan Waajibaadkooda oo si Mug & Miisaan leh u Ansixiyaan.

Nb: Aragtidayda Waxaan ku Saleeyey Dal Doonaya inuu yeesho Dowlad & Shacab Hanaqaad noqda oo Xeer & Shuruuc kala dambayn leh ku dhaqma “Marna Aragtidaydu u danayn mayso Aragti Beelo, Ganacsade, Milkiile & Jaad-cune-toona”.

Ogaada: Joojinta Jaadku waa Badbaadinta Bulshadaada & Dhisida Dowladnimo Qurux badan; Halka Ogolaanshihiisu ka yahay Sumaynta, Daroogaynta & Baabi’inta Bulshadaada & Dowladaadaba.

Eebe Taladaas inteeda Wanaagsan ha idinku Duwo.

#MaxaaXigi?
Qasim A Saleebaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker