Madaxweynaha Zimbabwe Oo Markale Ku Guulaystay Kursiga

Madaxa guddiga doorashada ee Zimbabwe, Priscilla Chigumba, ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha iminka talada haya, Emerson Mnangagwa, uu yahay qofka ku guulaystay doorashadii madaxweynenimada ee Isniintii dhacday.

Mr Mnangagwa ayaa ku guulaystay 51% codadkii la dhiibtay, halka ninka uu loollanka adag kala dhexeeyey ee mucaaradka MDC, Nelson Chamisa, uu helay in wax yar ka badan 44%.

In yar ka hor intii aan natiijada lagu dhawaaqin ayuu guddoomiyaha MDC ku gacan sayray natiijada, isagoo sheegay inay tahay been abuur, oo aan la xaqiijin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker