Dagaalkii Ethiopia ee Gobolka Tigraay oo Xadhkaha Goostay iyo Sheegashooyin Iska soo Horjeeda

Mekelle (OWN) – Xarunta taliska ciidamada federaalka Ethiopia ee Waqooyiga Dalkaasi oo ku yaalla magaalada Mekelle oo.ka  mida Magaalooyinka ugu waaelwayn  gobolka Tigray waxaa qabsaday ciidamada Tigray-ga, waxaa sidaas xaqiijiyey afhayeenka dowladda.

“Magaalada Mekelle, waxay awood u yeesheen inay qabsadaan dhismaha oo dhan sababta oo ah ciidamo iyo shaqaale ku filan halkaas nooma joogin,” waxaa sidaas yidhi Ridwan Hussein oo ah afhayeenka Taliska Cusub ee Xaaladda Deg Degga ah ee Ethiopia ee dhowaan la aas-aasay.

 

 

Taliskan ayaa ah kii horseeday dagaalka hadda socda, kadib markii Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu 4-tii bishan ku eedeeyey ciidamada Tigray-ga inay weerareen xaruntaas, isaga oo kadibna amray weerar jawaab ah.

 

Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Waqooyi Jeneral Belay Seyoum ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in 550 askari oo ka mid ah ciidamada Tigray-ga ay ku dileen dagaalka islamarkaana ay qabteen 29 kale illaa hadda.

 

 

Sheegashadan ayaa imaneysa maalin kadib markii dowladdu  ay sidoo kale sheegatay in ciidamadeedu ay qabsadeen garoon diyaaradeed ee ku yaalla meel u dhow magaalada Humera oo ku dhow xuduudda Sudan iyo Eritrea, hase yeeshee TPLF ayaa beenisay sheegashadan.

Dagaalka ayaa sii xoogeysanaya, waxaana kumanaan qof ay billaabeen inay dalka ka qaxaan. Qiyaastii 2,500 oo Ethiopian ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ka gudbeen xuduudda ayaga oo u tallaabay dalka Sudan.

 

 

Boqolaal qof ayaa la rumeysan yahay inay dagaalka ku naf waayeen, hase yeeshee tirada khasaaraha rasmiga ah ayey adag tahay in la xaqiijiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker