Maxkamada Ugu Saraysa dalka Hindiya Oo Amar Ku Riday Dhul Misaajid Lagu Wareejiyo Hinduuga

Maxkamada ugu sareysa dalka Hindiya aya xukuntay in lahanshiyaha goob uu ku yaalay masaajid lagu wareejiyo dadka haysta diinta Hinduus-ka.

Goobtani oo si aad ah loogu muransanaa islamarkana uu ku yaallay Misaajid ayaa waxay ku taalla magaalada Ayodhya islamarkana waxaa imika laga dhisi doonaa macbad ay leeyihiin dadka Hinduuda .

Maxkamada ayaa amartay sidoo kale in Muslimiinta la siiyo goob kale oo ay Misaajid ka dhistaan.

Maxkamada ugu sareysa Hindiya ayaa dhanka kale xustay in burburintii loo gaystay Misaajidkii goobtaasi ku yaalay 16 qarni ay ahayd mid sharci daro ah.

Muslimiinta iyo Hinduuska ayaa toboneeyo sano ku muransanaa misaajidka Babri ee ku yaalla Ayodhya kaasi oo ay Muslimiinta ku so cibadeysanayeen 16 qarni.

Kiiska maxkamada ayaa ku qotomay lahaanshiyaha dhulka uu misaajidka ka yaallo waxa uuna soo daba jiitamayay sanooyiin badan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker