Ra’iisal wasaarihii hore ee Wadanka Bakistan Ee Dhawaan Xabsiga La Dhigay Nawaz Shariif ayaa Cisbitaal loola Cararay.
Raisal Wasaarihii hore ee Pakistan, Nawaz Sharif, oo mudo 10-sano xabsi ku xukunaa ayaa Cisbitaal loo dhigay xanuun dhanka Wadnaha ah.
Dowladda Bakistan,ayaa Axaddii shalay Mr. Shariif ka saaray Xabsiga Adiala ee ku yaalo Rawalpindi,islamarkaana u qaaday Machadka Cilmiga caafimaadka (PIMS) ee caasimadda Islamabad,iyadoo la tixgelinayo talada dhakhaatiirta.
Shawkat Javed, oo ah wasiir ka soo jeedka Gobolka Punjab oo ah halka Xabsiga ku xidhnaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakstan ku yaalo ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in dhakhaatiirtu ay baadhitaan ku sameeyeen Shariif, 68-sani jir ah,Waxayna sheegeen inuu jiro xanuun Xabadka (Chest) ,waxaana la saaray qalabka korantada ku shaqeeya ee (ECG) ay xaqiijiyeen in ay jiraan xaalado aan sax ahayn.
Wuxuu sheegay in la isku raacay in Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakistan Nawaz Sharif,lagu daaweeyo Cisbitaalka ka dib markii tashi lala sameeyay dhaqtarkiisa gaarka ah.
Xaaladda Nawaz Sharif,ayaa hadda la sheegayaa iney gacanta ku hayaan dhaqaatiirka Wadnaha,islamarkaana xaaladiisa ay hadda degan tahay.
Ciidamo Boolis iyo Militari dheeraad ah ayaa loo daad gureeyay Cisbitaalka si ay u adkeeyaan ammaanka,sida uu sheegay Khwaja.
Nawaz Sharif,Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Bakistan ayaa waxaa laga helay Cudurka Macaanka “diabetic” iyo Xanuunada kale ee Wadnaha,wuxuuna sanadkii 2016-dii maray qalliin.