UK Oo Sheegay in Ruushka Ku Dhaqaaqay Talaabo Muujinaysa Duulaanka Ukraine
Xoghayaha caafimaadka ee UK ayaa sheegay in Ruushka ay durba u direen taangiyo iyo ciidamo gudaha dalka Ukraine, taasoo muujineysa duulaan.
Sajid Javid ayaa u sheegay Sky News sidan: “Waxaan ku soo toosnay maalin aad u madow , marka loo eego waxa aanu arkayno ee socda, way cadahay in ruushku go’aansaday inuu weeraro Ukraine”
โWaanu aragnay inuu aqoonsaday goboladan bari ee ka goโay dalka Ukrain, waxaa hada muuqata inuu u soo diray taangiyo iyo ciidan badan, markaa waxaa iska cad in duulaanka Ukraine uu bilaabmayโ ayuu sii raaciyay.
Raโisulwasaaraha Dalka UK ayaa la filayaa in uu arrintan ka hadlo sacaadaha soo socda.