Shirka Qaramada Midoobey ee looga hadlayo isbaddallada cimilada oo ka furmay Masar

Waxaa dalka Masar ka furmay shirka sanadlaha ee Qaramada Midoobey kaasoo looga hadlayo waxkaqashada dhibaatooyinka ka dhasha isbaddallada cimilada ee adduunka.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dalalka in shir madaxeedka ay uga hadlaan sidii wadahadallo taariikhiga ah si loo yareeyo qiiqa karboonka ah ee hawada lagu sii daayo.

Ku dhawaad ​​afartan kun oo qof oo ay ku jiraan boqol iyo labaatan hogaamiye oo ka socda caalamkaayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan munaasabadda lagu furayo shirka oo ka dhaceysa magaalada dhacda badda cas ee Sharmal Sheekh.

Shirka waxaa furaya madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan ka hortagga isbaddalada cimilada Simon Stiell, iyo wasiirka arrimaha dibadda Masar Samiix Shukry.

Madaxa Qaramada Midoobey wuxuu shirka ku tilmaamay ‘munaasabad taariikhi ah oo gaar ah oo looga hadlayo waxkqabashada isbadallada cimilada.

Sanadkii la soo dhaafay dunida waxay la kulanta cimilo aad u daran oo si joogto ah loola xiriiriyay isbeddelka cimilada, iyadoo daadad ba’an ay ka dhaceen Pakistan iyo kulayl daran oo saameeyay Hindiya iyo Yurub oo dhan.

Tan iyo shirkii sannadkii hore ka dhacay Glasgow, dalal yar ayaa wax ka baddalay qorshahooda ku saabsan dhimista kaarboonka iyo ka hortagga saameynta isbaddallada cimilada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker