Xuuthiyiinta oo sheegtay masuuliyadda weerar lagu qaaday markabka Torm Thor

Xuuthiyiinta Yemen ayaa saaka sheegtay masuuliyadda weerar ka dhacay Gacanka Cadmeed, oo lagu bartilmaameedsaday markabka Torm Thor oo laga leeyahay Mareykanka.

War ka soo baxay Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in xoogagooda ay gantaalada lidka maraakiibta ku garaaceen marka nooca kiimikada iyo saliidda ee Torm Thor, xilli uu marayay marin biyoodka Gacanka Gacmeed.

“Ciidamada Badda Yemen ayaa tiro gantaalo ah oo ku habboon ku garaacay markabka uu cadowgu leeyahay.” Ayaa lagu yiri warka Xuuthiyiinta.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Xuuthiyiinta ay weerareen markabkaasi.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in Xuuthiyiinta ay gantaal kale ku soo weerareen markabkooda dagaalka ee USS Mason, xilli uu ku sugnaa Gacanka Cadmeed.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in USS Mason uu ka hortegay gantaalkaasi, oo laga soo tuuray dhulka ay Xuuthiyiinta ka arrimiyaan.

“Markabkayaga USS Mason ayaa burburiyay gantaal nooca ballaastikada ah oo lagu soo weeraray Gacanka Cadmeed, lagana soo tuuray goobaha ay Xuuthiyiintu ka taliyaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka taliska.

Taliska ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax waxyeelo ah oo labada markab ka soo gaartay weerarada Xuuthiyiinta.

“Midkoodna USS Mason ama MV Torm Thor wax burbur ah ma soo gaarin, mana jiraan cid ku dhaawacantay.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa sii wada weerarada ay ka gaysanayaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay garab istaag ugu muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker