Guddoomiyihii Hore Ee Baanka Dhexe Ee JSL Oo Xilkii Ugu Wareejiyey Guddoomiyaha Cusub

Guddoomiyahii hore ee Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Guddoomiyaha cusub, Mudane Cali Cabdillaahi Daahir, iyo agaasimaha guud Mudane Mukhtaar Cabdi Quule.
Munaasibaddan oo ka dhacday xarunta Baanka Dhexe ee JSL, waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiiradda, Guddida Agaasimayaasha ee Baanka Dhexe (Board of Directors), Ha’yaddaha madax banaan, Ururka Baananka, Baananka dalka ka jira, Ururka Sarriflayaasha, Ururka Xawaaladlayaasha iyo Madaxda shirkaddaha waaweyn ee Dahabshiil iyo Telesom iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn, waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac waxaa na uu si faahfaahsan uga waramay wixii uga qabsoomay muddaddii uu ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, dhinacyadda.
1.Dejinta Sicirka Sarrifka
2. Xakamaynta Sicirka Bararka
3. Maalgelinta Mashaariicda Dowladda
4. Dhismayaasha iyo Dib u casriyaynta laamaha
5. Tayaynta Shaqadda iyo cududda Shaqaalaha

Kuwaas oo guulo taariikhi ah laga gaadhay mudaddii uu xilka hayay.
Dhinaca kale, Waxaa iyana goobta ka hadlay marti sharaftii kala duwaynayd ee ka soo qayb gashay munaasibadda kuwaas oo dhamaantood ka maro kacay waxqabadka uu Baanka Dhexe ku talaabsaday mudaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi.
Ugu dambayntii, waxaa hadalka iska dabo maray Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Mudane Cali Cabdillaahi Daahir iyo Agaasimaha Guud, Mudane Mukhtaar Cabdi Quule.
Waxa na ay balanqaadeen in la sii casriyayn doonno adeegyadda Baanka Dhexe bixiyo, wada shaqayn wanaagsanna la yeelan doonaan dhamaan Haayaddaha kala duwan ee uu Baanka Dhexe kor-joogteeyay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker