Dibad baxyo waaweyn oo ka dhacaya Jarmalka

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in ay ka dhacaan magaalooyinka dalka Jarmalka mudaaharaadyo looga soo horjeedo xisbiga midigta fog ee AfD kuwaas oo socon doona todobaadkii saddexaad oo xiriir ah.

Dibad baxyadan ayaa looga fal celinayaa shir ay dhawaan isugu yimaadeen kooxaha xag-jirka ah isla markaana ay ka qayb galeen xubnaha AfD, kaasoo looga hadlay qorshaha lagu masaafurinayo dadka aan asal ahaan ka soo jeedin Jarmalka.

Mudaharaadkii ugu waynaa ayaa todobaadkan dhamaadkiisa ka dhici doona magaalada caasimadda ah ee Berlin.

Tan iyo markii ay mudaaharaadyadu billowdeen, xisbigu waxa uu ku hoos maya codbixintii oo uu ka hoos maray 20%. Si kastaba ha ahaatee, weli waa xisbiga labaad ee Jarmalka ugu caansan.

Hoggaamiyayaasha AfD waxay sheegeen in lagu bartilmaameedsanayo dawladda Jarmalka, si la mid ah sidii dagaalyahannada xorriyadda siyaasadda loogu cadaadiyay Jarmalka bari ee shuuciga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker