Wadahadalo Lagu Dhexdhexaadinayo Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Qabsoomay Jabuuti

Wadahadallo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweyneyaasha Kenya Uhuru Kenyata iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qabsoomay dalka Jabuuti.

Labada madaxweyne ayaa waxaa isu keenay oo kulankooda goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isku dayaya inay xaliyaan xiisadda ka dhex oogan.

Kulanka ay Abiy iyo Geellee isugu keeneen labada Madaxweyne ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, kadib markii ay Soomaaliya xidhiidhka u jartay Kenya, kuna eedeysay faro-gelin.

Kulankan labada madaxweyne ayaa bilaabmay kohor intii aanu bilaabmin shir madaxeedka urur goboleedka IGAD.

Ujeedka kulanka kooban ee Farmaajo iyo Uhuru ayaa ah habsami u socodka shirka guud ee Madaxda IGAD dhex maraya in aanu saameyn khudbadaha ay jeedinayaan labada Madaxweyne.

Soomaaliya ayaa dhowaan dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD, taasi oo ka dhigeysa in ajendaha shirka madaxda ku bahoobay uu qeyb ka noqonayo xiisada ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, kahor kulankaas ayaa kulan gaar ah waxa uu dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ku wada sugnaa dalkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxa lagaga wada-hadlay xaaladada gobolka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee labada dal.

Abiy iyo Farmaajo oo uu ka dhaxeeyo xidhiidh saaxiibtinimo ayaa waxa la sheegay inay sidoo kale ka wada-hadleen dagaalka Tigreyga iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya dalalka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la wadaagay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya cabashada ay ka qabaan dowladda Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker