Maxkamada Cadaalada Ee ICJ Oo Go’aa ka Soo Saartay Sida Ay Imaraadka Ugu Xadgudbeen Qatar

Makaxamada caalamiga ee cadaalada ee ICJ ee xarunteedu tahay dalka Holand ayaa go’aamisay in xayiraad ay dowlada isutaga imaraadka carabta saartay dowlada Qatar ay ahayd xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha.

Bishii lixaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii wadamada isutaga imaraadka carabta, boqortooyada Sacuudi Carabiya, Masar iyo Baxrayn ay xiriirkii dibloomaasiyadeed u jareen Qatar.

Waxay ku eedeyeen in xukuumada Dhooxa ay tageerto argagixisada in kastoo arrinkaasi ay iska fogeysay.
Waxaa xigay cunaqabateyn dhanka dhulka, badda iyo hawada ah oo la saaray Qatar taasi oo ay ka dhalatay saameyn dhaqaale iyo mid bulsho labaduba.

Download Qatar ayaa bishii hore maxkamada ICJ geysay dacwad ay uga cabaneyso imaraadka.
Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee Qatar ayaa shegay in xayiraadda ay saameysay qiyaastii 13,000 oo qof.
Sido kale guddigan ayaa sannadkii hore diiwangeliyay ilaa iyo 4,105 oo ah xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker