Dad Soomaali Ah Oo Ku Xaniban Deegaano ka tirsan Dhulka Oromada Ee Dalka Itoobiya
Ugu yaraan 180 Qof oo Soomaali ah ayaa la sheegayaa in ay ku go’doonsan yihiin deegaan ka tirsan Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.
Dadkan waxaa ay ku jiraan Saldhig Boolis halkaas oo ay maciin bideen kaddib markii uu xoogeystay dagaalka ay Oromada ku heyso Soomaalida.
Qaar ka mid ah Dadka Soomaalida ah ee ku jira Saldhigga Booliska ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee Codka Mareykanka in xaaladdooda ay aad u adag tahay islamarkaana aysan heysan nolol wanaagsan.
Waxaa ay sheegeen in wixii xoolo ahaa ee ay la haayeen la dhacay, Guryahoodii la gubay qaar ka mid ah Carruurtoodiina ay Gowracday Oromada.
Labo Qof oo ka mid ah dadka ku jira Saldhigga Booliska ayaa sheegay in 5 Haween ah ay ku dhex umuleen Saldhigga iyaga oo aan heysan adeeg caafimaad.
Waxa ay dowladda dhexe ee Itoobiya ka codsadeen in si dhaqsi ah looga gaaro nolosha adag ee ay ku wajahayaan gudaha saldhigga oo ay naftooda la galeen.
Qaar ka mid ah Dadka ku jira Saldhigga ayaa waxaa ka maqan Carruurtooda oo aysan ogeyn nolol iyo geeri halka ay ku sugan yihiin.
Dad Soomaali Ah Oo Ku Xaniban Deegaano ka tirsan Dhulka Oromada Ee Dalka Itoobiya