Isbarbardhiga hab-dhaqanka Dabeecaddihii Hoggaamineed Ee Madaxweynayaashii Somaliland.

Cabashadda laga muujiyo Madaxweynaha xilka haya maalinkaas, waxa loo aaneeyaa fiicnaantii Madaxweynihii shalay, sirta halkaas ku jirtaa, waa faham la’aanta hab-dhaqanka dabeecadda hoggaamiyahaasi uu jecel yahay iyo qaabka hoggaamineed ee uu ku maareyn jiray xaaladdaha qaar ee la soo darsa, ama fahan la’aanta wanaagii lagu jiray maalinkaas.

Haddii aynu dib u yara milicsano shalay abuuristii nabad-galyada iyo xasiloonidii ka dhalatay fahankii fiicanaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho dhalkiisa, kaasoo ahaysiisay maanta jawi degan iyo rajo fiican aynu ku guran doono maalmaha soo socda midhihii ay beereen Madaxweynayaashii hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, si aanay barri u wiiqmin kobacii is daba joogay midho dhalkaas, waa in wax laga bartaa hab-dhaqanada dabeecadaha hoggaamineed iyo habkii hoggaamineed ee ay ku maareeyeen xaaladdihii kala duwanaa ee ay soo mareen muddadii ay hayeen xilka Madaxweynenimo.

Marka aynu eegno Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Aw-Cali oo aanan maanta jili karin muuqaalka hab-dhaqankiisii hoggaamineed ee uu ku soo maareeyey, wakhtigii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Halka Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalna uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta Hillaadinta (Visionary Leadership), taas oo uu u sii marin jiray dhamaan dadka talaabooyinka iyo nidaamka geedi socodkiisii hoggaaminneed wakhtigii uu Madaxweynaha ka ahaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hoggaamiyayaasha ugu muhiimsan ee ku guuleystaana waa kuwa leh arragti fog iyo jiho hillaadineed, kuwaasoo badanaaba kaga dhabbeeya himmiladii ay hiigsanayeen.

Waxa ka mid ahaa hab-dhaqankiisii Hoggaamineed, Hoggaaminta Sinaanta (Laissez-faire Leadership) waxaanu awood siin jiray shaqaalaha ka hawl-gala xarumaha dhexe ee dawladda, taasoo lagu ogaaday cilmibaadhis qaadatay muddo dheer in ay tahay habka ugu wax-tarka badan ee ay kuwada wada-qanacsan yihiin aduunkoo dhami.

Waxa kale oo ka mid ahaa hab-dhaqankiisii Hoggaamineed, Tababare hoggaamiye (Coach Leadership), taasoo ahayd mid ay shaqadeedu aad u sareysay, isla markaana fadhiyey goobta natiijada laga hagaajinaayey ee hawlaha waxqabad ee loo baahnaa laga fulinaayey, run ahaantii, sida aynu wada-xasuusan nahay, Madaxweyne Cigaal hoggaamintiisii waxa gacan weyn ka geystay taageerayaashiisii oo soo saaray horumarinta xirfaddiisii, taasoo siinaysay Niyad, Dardar-galin iyo Dhiirigalin dheeraad ah.

Waxa intaasi uu sii dheeraa abuurista sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaamin Kooxeed ( Team Leadership), oo lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga lagu gaadhayey himiladdiisa ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo iyo jiho hillaanideed.

Waxa ay ka shaqeysiinaysay dhamaan wixii ku lug lahaa wadnaha iyo maskaxda xukuumadii uu hoggaamiyaha ka ahaa, sida la wada-garowsan nahay kumay lug yeelanin wadashaqeyntiisii aaminaada iskaashigii saaxiibtinimo, waxaana laga fillaayey caqabadihii ugu badnaana ee ka hor yimid in uu ku guuleysan doono, inkastoo, laga yaabaa guuldarrada ku timaado hoggaamintani ay keento tayada hoggaamineed ee liidata, balse, waxay ahayd mid ay sareyso tayadeeda hoggaamineed.

Waxa sidoo kalena uu u isticmaali jiray xaaladda qaarkood Hoggaaminta sharciga (Autocratic Leadership), taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla markaana uu gacanta ku hayey dhamaan masuuliyadda xukunka dowlada, oo gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la taliyayaashiisa, iyadoo aan laga doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg ah loogu fuliyo hawlihii loo baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto, manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo hoggaamintan inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.

Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, inkastoo ay yar tahay taageeridoodu.

Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin’na uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta sharciga (Autocratic Leadership), taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla markaana, gacanta uu ku hayen jiray dhamaan masuuliyadda xukunka dowlada, oo gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la taliyayaashiisa, iyadoo aan laga doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg ah loogu fuliyo hawlihii loo baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto, manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo hoggaamintan inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.

Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, laakiinse, ay yar tahay taageeridoodu.

Halka, uu ka isticmaali jiray abuurista sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaaminta Kooxeed ( Team Leadership), taasoo lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga himiladdiisa lagu gaadhayey ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo iyo jiho hillaanideed.

Madaxweynihii Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta go’aan qaadashada awoodeedu hooseyso ee Hoggaaminta tallo-wadaaga ah (Democratic Leadership), manaanu jeclaysan jiray in uu gacanta ku dhigo dhamaan masuuliyada xukunka dowlada, inkastoo uu lahaa go’aan mas’uuliyadeed oo kama dambeys ah, inkastoo lagu yaqaano hoggaamiyaha tallo-wadaaga ah in uu awooda xukunka dowlada u wakiisho dadka kale, ka go’aamiyaan mashaariicda shaqo.

Haddana, muuqaalka gaarka ah hoggaamintiiisii ee ugu muhiimsaneyd, ayaa ahayd mid leh xidhiidhin firfircoon oo aad u sareysay, ama ugu hooseysay, kaasoo tixgalinaayey hab-xisaabeedka, waxaanay ka mid tahay kuwa la doorbido, laakiise, waxay u baahataa caddaalad, karti, hal-abuur, geesinimo, daacadnimo iyo aqoon xirfaddeed.

Waxa kale oo uu lahaa Hoggaaminta Curinta Isbeddeldoonka (Transformational Leadership), taasoo ku dhiiri-galinaysay dadku inay sameeyaan qorshayaal ka badan sidii markii hore loogu tallo-galay qorsheyaasha, iyadoo waliba in badan laga fikiray suurto-galnimaddeeda, isla markaana laga filan karo qorsheyaashaas in lagu gaadhi karo wax-yaabo badan oo aad u sareeya wax-qabadkeedu.

Xoggogaal ahaan, hoggaaminta waxay u eeg tahay mid haysata go’aano badan iyo taageerayaal badan oo leh awood aad u sareysa.

Halka uu ka isticmaali jiray xaaladdaha qaar Hoggaaminta Ganacsi (Transactional Leadership), ee lala xidhiidhiyo dayactirka is bedelka geedi-socodka hawlaha, oo siinaysay abaal marino degdeg ah taageerayaashiisii raacsanaa, iyadoo lagu fulinaayo amarka hoggaamiyahaas, taasoo noqon karta dhawaaqyada heshiisyada aassaassiga ah ee diiradda lagu saarayo wax is-dhaafsiga.

Halka, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi’na uu leeyahay sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaamin muujinaysa kacdoon awoodeed ee Hoggaaminta Socodka (Charismatic Leadership) taas macnaheedu maaha isbeddel anshaxeed, xaqiiqdii waxay astaan u tahay isbeddelka ay aaminsan yihiin taageerayaashiisii, hoggaamiyayaasha hoggaamintan ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid madax-bannaan oo ka soo jeeda asal ahaan hoggaamiyeyaashii hore,
Laakiinse, haddii aanu u diyaarsaneyn in uu wax ka beddelo wixii sababaya hab-dhaqanka iyo dabeecadaha oo uu talaabo sharciya ka qaado, gaar ahaan, qaab-dhismeedka dabeecadaha, waxa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan dabeecadaha gaarka ah ee ay kala duwan yihiin ujeedooyinkoodu.

Waxa kale oo uu leeyaahay sifaha Hoggaamin xeeladdeed, (Strategic Leadership) marka loo eego bilowga cusub iyo in baahi loo qabo wixii suuro-gal ah dhameystirkeeda, iyadoo loo maraayo hab-qoraaleed xulasho sare leh oo tifatiran, wax-tarkeeduna waxay keentaa koboc dhaqaale, marka loo eego dabeecadaha laga fisho inay ku yimaadaan ururada xilliyada isbedelka hoggaamineed, taasoo ku lug yeelata fikradahaa xeeladdeysani boqolkiiba shan iyo koton (55%) .

Halka uu ka isticmaalo Habka Hogaaminta Fududeynta (Facilitative Leadership) ee ku tiirsan hadba natiijada cabirka qiyaaseedka baahid ka jirta dalka, run ahaantii, maaha xirfad, laakiinse, waxay dhalisaa xirfad aad u sareeysa, wax-tarkeeduna wuxuu toos ula xidhiidhaa sida ay u socdaan hawlaha wax-qabad, haddii ay kooxdu tahay mid ay aad u sareeyso shaqadeedu, waxa uu u isticmaalaa gacan iftiimaysa habka geeddi-socodka hawlaha, laakiinse, haddii uu hoos u dhac ku yimaado shaqadana, wuxuu noqdaa hoggaamiyahaasi mid siinaaya dardar-galin dheeraada kooxdiisa, kana caawiya sidii ay u hirgalin lahaayeen hawlaha ay qabanayaan.

Wax-tarkeedu waa mid ku lug leh habka kormeerida dhaqdhaqaaqa kooxdiisa, kaasoo bixinaaya tallooyin ku saabsan qaabka nidaamka hawluhu ay u socon lahaayeen iyo talaabooyin ka caawinaaya, sidii ay u sii jiri lahaayeen hawlaha waxqabadka ee ay ku hawlan yihiin, akhriste fahan maanta aad barri garatide

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker