Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka JSL oo Saddex Bilood iyo Qiime Dhimis ku Dartay Wakhtigii Lagu Beddelayey Sumadda
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi Abokor Cismaan ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ย ku kodhiyey wakhtigii 6 bilood ahaa ee la siiyey dadweyanaha in ay Sumadda kaga beddelaan Gaadiidkooda ee ku ekaa 10 March 2019.
Wareegtadan oo soo baxday 12/ 3/2019 wuxuuย Wasiirku ku sheegay in wakhtigaasi lagu daray 3 bilood isla mar ahaantaasna ย Wasaaradda Gaadiidku samaysay qiimo dhimis xaga lacagta lagu qaadanayo Sumadda Gaadiidka, qiimo dhimistan ayaa waxa ay ka bilaabmataa 12/3/2019 ilaa bisha June.