Warbaahinta Israa’iil: Israa’iil ayaa heshay liiska magacyada la haystayaasha ee la qorsheeyay in la sii daayo maanta.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in maamulayaasha Israa’iil ay heleen liiska magacyada la haystayaasha maanta la qorsheynayo in la sii daayo, taasoo qeyb ka ah heshiiska ay la galeen Xamaas.

Sida uu qoray wargeyska Time of Israel ee ku soo baxa afka Ingiriiska, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoysaska la haystayaasha ku wargeliyay in magacyada qaraabadooda lagu daray liiska ay Qatar soo gudbisay.

Qatar ayaa qayb wayn ku lahayd heshiiska labada dhinac ay maxaabiista isku dhaafasanayaan.

Shalay ayay Xamaas sii daysay 13 la hayste oo Israa’iiliyiin ah, ka hor inta aysan Israa’iil sii deyn 39 maxbuus oo Falastiini ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker