Abiye Axmed oo talaabadii ugu horeysay qaaday tan iyo heshiiskii uu la galay Tigreega

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay la kulmay madaxda Tigrayga tan iyo markii labada dhinac ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen saddex bilood ka hor.

Sawirro ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa muujinaya Mr Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda oo la fadhiya dadka ugu sarreeya qowmiyadda Tigreega oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Tigrayga Jeneraal Tadesse Werede.

Waxaa la sheegay inay ka wada hadleen horumarka laga sameeyay hirgelinta heshiiska nabada, iyo sidoo kale arrimaha u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho.

Heshiiska ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo socday muddo labo sano ah kaas oo halakeeyay gobolka waqooyi ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker