Isbarbar Dhiga Xiligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal Sidii uu U Xasiliyey Colaadii U Dhexeysay Beelaha Gobolada Barri iyl Sida uu Durba Uga Soo Noqdey Saylici

Haddaba Waxa Layaab leh haddeynu Dib ugu Noqono Xili kamid ah Xiliyadii Somaliland ee Xukuumaddii Madaxweynihii Geeriyoodey Marxuum Cigaal, oo dalku Marxalad adag oo aad uga Xasaasisan Wakhtigan aynu Maanta joogno soo marey Xaalad Bilaw ah oo Colaado Sokeeye ka jireen Goboladaasi Bari  Waxa uu Madaxweyne Kuxigeenkiisii Daahir Rayaale, Iyo Koox katirsan Golihiisii Wasiirada, iyo Xubnihii Odoyaasha Guurtida u Direy Xalintii Xiisadii Ceerigaabo ee u dhexeyasay Beelaha halkaa Wadda Degga Mudo laba Bilood iyo Dheeraad ah ayaa ay halkaa ku Sugnaayeen ilaa ay kasoo faraxasheen soona afjareen Wax alaale iyo Wixii halkaa Dhibaato ka jirtey, iyadoo uu mar kalena Madaxweynihii hore Rayaale Waagii uu Kuxigeenka u ahaa Marxuum Cigaal Muddo badana ku Sugnaa Burco oo Dagaalo Sokeeye markaa ka baxdey si dib u dajin loogu Sameeyo Shacabka Reer Burco iyo Gobolada Barri oo dhan.
Miyaaney layaab noqoneynin oo aaney ku Suntaneyn Xukuumadda Muuse Biixi ee Maantu mid Qabyo ah oo aan dhameys tir laheyn haddii Madaxweyne Kuxigeenku durba kasoo Cararo, oo kasoo noqdo Ceel-Afweyn oo Colaadeedu Sadex jeer soo noqnoqotey intii Xukuumaddani Talada qabatey, Su.aasha Isweydiinta Lihi Waxa Weeyi Ma Kuxigeenka Saylici ayaan Adkeysigii iyo Masuuliyadii Rayaale Laheyn mise Muuse Ayaan Tubtii Cigaal WaLigii keenayn oo aan Siyaasadii, Hogaamintii iyo Waayo Aragnimadii aan Laheyn iyo Aqoontii Aan Laheyn?.
Waxa Guud ahaanba Bulshada Somaliland Walhtigan Lagudboon Islamarkaana, Aan Anigu Tallo ahaan Ugu Soo Jeedinayaa in ay kasoo Jawaab Bixiso Sida Marxaladaa Xaalada Colaadeed ee Xasaasiga ah ee Ceel- AfweynLooga Bixi Lahaa Qarankana Loo Badbaadin Lahaa Mucaarid iyo Muxaafidba Meelna Looga Soo Wada Jeesan Lahaa.
Gabagabadii Waxaan Ugu Duceyneynaa in Illaahey  dadkaa Walaalaha ah ee Colaadasi u Dhexeyso Bogooda Burcad Isku mariyo Ergooyinkaasna kusoo Asturo Aamiin.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker