Gudoomiye Cabdiqaadir Xaashi oo Markale.soo Saaray Hanaan Doorasho oo Cusub

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya

 

Ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in madaxda dowladda federaalku ay weli dhegaha ka fureysanayaan baaqa iyo rabitaanka mas’uuliyiinta Somaliland .

 

Ee ku aadan hanaanka loo marayo doorashada xildhibaanada ku metelaya baarlanmaanka afarta sano ee soo socota.

 

 

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu dhaleeceeyey in xukuumaddu ay ku sii dhiirantahay tababaridda guddi aan sharci lagu soo magacaabin, isla markaana la doonayo in doorashada lagu boobo.

 

 

“Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka reer Somaliland

 

Waxay aad uga xunyihiin, in Hoggaanka sare ee dalka iska indha tirayo ilaalinta sharciga iyo hanaanka lagu heshiiyey ee loo dejiyey doorashada dalka.”

 

 

“Waxaa nasiib darro ah in

xukuumaddu weli ku adkeysaneyso oo ay tababareyso guddi sharci darro ah, iyadoo u jeedku yahay inay qabtaan doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq” ayaa lagu yiri warkan oo ka soo baxay xubnaha DF ku metelaya Somaliland oo uu ugu horeeyo guddoomiye Cabdi Xaashi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker