Wiil uu dhalay hogaamiye sare oo Israa’iil ah oo Qasa lagu dilay

Wiil uu dhalay taliyihii hore ee ciidamada Israa’iil, Gadi Eisenkot, haddana ah wasiir ka tirsan golaha wasiirrada ee Israa’iil, ayaa lagu dilay Gaza, sida ay milatarigu sheegeen.

Waxa ay sheegtay in Major Gal Eisenkot oo 25 jir ah, uu ku dhintay waqooyiga Gaza Khamiistii.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay, in Maj Eisenkot uu si xun u dhaawacmay ka dib markii afka hore ee god dagaal uu qarxay ka dibna uu markii dambe uu ku dhintay isbitaalka.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in isaga iyo xaaskii uu qabay wiilka wasiirka ee dhintay ay “qalbi jabeen”, isagooGal Eisenkot ku tilmaamay inuu ahaa “geesi dhab ah”.

Mr Netanyahu ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray: “Geesiyadeenu si macno darro ah uma dhiman, waan sii wadi doonnaa dagaalka ilaa guul laga gaaro.

Gadi Eisenkot, oo 63 jir ah, waa jeneraal hawlgab ah, kaas oo soo noqday madaxa guud ee shaqaalaha Israa’iil intii u dhaxaysay 2015-19

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker