Dal ay maraan dadka u tahriibaya Maraykanka oo xuduudiisa gaynaya milateri

Waddanka Chile ayaa maanta oo Isniin ah ciidamo geyn doona xudduudaha uu la wadaago waddamada Peru iyo Bolivia, si ay u xakameeyaan soo gelitaanka muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Cutubyo ka tirsan militariga ayaa awood loo siin doonaa, inay xiraan qof kasta oo isku daya inuu ka gudbo isgoysyada xuduudaha ee aan la fasixin, iyaga oo u gudbinaya booliska maxalliga ah.

Hawlgalka ayaa socon doona muddo sagaashan maalmood ah.

Wadama kale oo ay ka mid tahay Canada ayaa sidoo kale sheegay inay xiri doonto xadka aan tooska ahayn ee ay soo maraan magan-galyo doonka kasoo galaya Canada dhanka Maraykanka.

Arrintaan waxay kusoo aadaysaa iyadoo dowlad-gobalkeedka Quebec ay dowladda dhexe ee dalka Canada ka codsatay in la xiro wadada lagu magacaabo Roxham Road oo sanadihii tagay kumanaan soo galooti ah kasoo galeen Canada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker