Nin Soomaali ah oo ka tirsanaa Ururka Daacish oo lagu dilay Dalka Syria.

Wararka ka imanaya Dalka Syria waxaa ay sheegayaan in Gobolka Idlib lagu dilay Nin Soomaali ah oo ka tirsanaa Ururka Daacish.

Ururka la socodka Xuquuqda Aadanaha ee fadhigiisu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in 36-kii Saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay 15 Qof oo u badan Daacish.

Waxaa ay sheegtay in Koox hubeysan ay dileen Abuu hureyra Al Soomaali kaas oo ku safrayay Waddada u dhaxeysa Magaalooyinka Idlib iyo Sarqiib ee Dalka Syria.

Ururku waxaa uu sheegay in tan iyo jimcihii ay dhaceen 15 dil oo qaarajin ah iyo weerarro is qarxin ah gudaha Syria,waxaana Ciidamada dowladda Bishaar Al Asad lagu eedeeyay in inta badan weerarrada toogashada ah ay geysanayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker