Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q1aad

“In shaqo la raadiyo waxa ka fudud in shaqo la abuurto”

Sidee shaqo loo helaa waa  maqaal ay jeclaysan doonnaan Inta aan shaqo haysan ama shaqo kale raadinaya.

Maxaan u qoray maqaalkan? maqaalkan sababaha igu kalifay waxa kamida 78.9 % bulshadeennu waa bilaa shaqo,  halka  21.1 % shaqeeyaa ay gacanta ku hayaan,  78.9 % bilaa shaqada ah , halkaa waxa aynu ka fahmayaa in xataa kii shaqaynayay ay caqabado badan ku gedaaman yihiin , oo inta aan shaqayni ay ku dul nooshay inta shaqaysa,  waxa kale oo jira caqabado, caqabadahaas oo ah innuu hadh iyo habeenba uu xaliyo xaaladdaha kala duwan ee la soo darsa xaafadooda maadaama ay iyadu/ isagu u shaqeeyaan markasta ay bixiyaan biilka iyo kharashaadka joogtadda ah.

Ujeeddooyinka aan u qoray maqaalkan waxa ka mida in aad fahantaan sida ugu wanaagsan ee shaqo loo helo ama shaqo loo abuuro, sida ugu wanaagsan ee shaqo la’aanta loola dagaalami karo, sida ugu wanaagsan ee aynu kor ugu qaadi karno aqoonteenna oo ay dheer tahay xirfado shaqo oo la barto.

Shaqo waa hawlo kala duwan oo loo qabto shirkad, meherad, iyo cidkasta oo shaqo abuur sammaysay.

Si aynu u fahanno waa Maxay shaqo?  shaqo waa hab/ ficil qofka kaga shaqaysiiya maskaxdiisa, xooggiisa iyo isticmaalka awoodiisa jidheed iyo maskaxeed si loo qabto baahi markaa taagan cidda loo shaqaynayaana u gaadho hadafkeeda, shaqo waa dhaqdhaaq kala duwan oo la sammeeyay si looga hello dakhli ama xal, shaqaddu kaliya maaha ta lacagta la qaato se waa hawlkasta oo la qabto hadday lacag leedahay iyo haddii aannay lahaynba tusaale haddii aad maalinkasta beertaadda ka shaqaysid,  gurigaaga ka shaqaysid, carruurtaada ka shaqaysid iyaduba waa shaqo , se dadkeennu shaqadda waxa ay u yaqaannaan ta aan guriga ahayn ee mushaharka la qaato.

Markaa si aynu iskula fahanno shaqo waa ficil wax lagu qabto ama lagu dhaqaajiyo kaas oo aad lacagna ku helli kartid, ama aad dhib ku haysta ku xallin kartid.

Markaa haddii aad shaqo maqashaan waa hawl aan dhammaad lahayn inta la nool yahay,  taas oo  leh, Daal, hurdo la’aan, socod, fikir horumarineed oo joogtaa, markaa haddii aad shaqo heshaan ku xisaabtamma waxa aad ka dhaxli doontaa dhib iyo dheef wadda socda, dhibku waa shaqada oo daal iyo hawl ah , dheeftuna waa mushaharka aad heshid oo aad ku ilaabi doontid.

Haddii aynu intaa ka soo gudubno , caqabadaha ugu badan ee dhallinteenna haystaa waa qaabkee shaqo loo hellaa, jawaabteedu waxay noqonaysaa marka hore ma tahay shaqo doon daacad u ah  shaqo haddii ay haa tahay shaqo waad hellaysaa, qaababka kala duwan ee shaqadda loo hellaa waa ay kala duwan yihiin waxaannay ku xidhan tahay aqoontaadda iyo su’aasha ah  Maxaad taqaan ama aad xirfad haysataa oo aad aqoon kaga jawaabtid.

Si aad shaqo u heshid waxa lagaaga baahan yahay diyaar garaw adag oo aad bilawdid maalinta  aad  waxbarashadda bilawdid, maalinta koowaad ee aad waxbarasho bilawdid waxa ay la mid tahay maalinta koowaad ee aad shaqo niyayso.

Si aad shaqo u heshid waxa aassaas u ah inaad aqoon yeelatid, aqoontaas oo wax ka taraysa baahida  bulshadda aad la nooshahay, halka aad ku nooshahay, shaqo inaad heshaa marka hore waa nasiib iyo calaf aad dheer tahay kuwa aan shaqadda helin, se haddii aad shaqo doon tahay waxa ay ku xidhan tahay aqoontaada, waayo- aragnimadaada iyo samirka aad u yeelatid innaad aqoon yeellatid, inaad shaqo raadisid, ka dibna aad u sammirtid inta aad shaqadda ka gaadheysid halkii aad rabtid.

Dhallinyaraddeenna maanta waxa la soo darsay walaac baddan oo shaqo la’aaneed  kuwaas oo niyad jab badan ku riday mustaqbalkooddii  taasinna maaha qaabkii shaqo lagu hellayay, qofka shaqo doonka ah waxa looga baahan yahay samir dheer, dedaal , xirfadda loo baahan yahay iyo inaanad ku niyad jabin dalka shaqo ma jirto, inaad shaqo heshaa waxay ku xidhan tahay  adiga iyo dedaalkaaga aan seexadka lahayn iyo maxaad taqaannaa,  xaggee ka soo shaqaysay, iyo maxaad xirfad leedahay.

Haddii aad shaqo doon tahay waxaan kugula tallin lahaa innaad 21 kan qodob ku dhaqantid oo aad qorshe ka dhigatid

1.     Xidhiidhka Alle iyo cabsida Alle oo la badiyo, Baryadda Alle oo markasta la joogteeyo  bilaw illaa dhammaad shaqona la waydiisto

2.     Aqoon kala duwan oo  la jaanqaadeysa dunidda iyo baahiyahaadka yaalla

3.      Aqoon ka duwan aqoonta ay haystaan  inta  shaqo la’aantu hayso

4.      Xidhiidh fog oo aad la leedahay cidkasta oo  shaqaysa ama shaqo bixin karta

5.     Ku xidhnaanshaha Mareegaha shaqooyinka lagu xayaysiiyo

6.     Qorshe shaqo, diyaar garaw shaqo iyo Xirfad shaqo oo kuu gaar ah taas oo ah tii u dambaysay

7.     Fikir joogtaa oo aad shaqo ku heshid, tusaale inaad xal u raadisid shirkad aad ogtahay in dhibaato ama cillad haysa ay maaro u waayeen.

8.     Inaad u shaqaysid si mutadawacnimo leh si aad jaanis iyo waayo-aragnimo uga heshid,

9.     Inaanad ku niyad jabin  codsiyo badan oo lagaaga soo jawaabi waayay

10.                        Dabeecaad  wanaagsan oo dhoolla cadeyn waddata,  qaabkaaga lebis iyo dhaqankaaga oo aad ku sadhaysan diinta Islaamka iyo halka aad ku nooshahay dhaqankooda ugu wanaagsan

11.                         Shaqadda oo la jeclaado, qofku haddaanu shaqo jeclayn maba shaqaysan karo

12.                        Meheradaha waalidkiin, xaafadiinna oo laga soo shaqeeyo si aad waayo aragnimo shaqo iyo bulshoba u heshaan.

13.                        Daacadnimo joogtaa

14.                        Balwadaha qaadka , sigaarka iyo wixii kale oo laga dheeraada waa sababaha ugu badan ee haddii aad leedahay aad shaqo u heli la’dahay waayo aragtidaada iyo waraysiga lagula yeesho ayaa laga dareemayaa.

15.                         Haddii aad muddo badan  caasimaddii shaqo ka heli waydid muddo  beddelo  oo u beddelo degmooyinka iyo magaalooyinka kale  ee dalka.

16.                        Waddankaaga iyo waxsoosaarkiisa oo aad aamintid, haddii aad shaqo waydid waa in shaqadda taalla la qabto haddii ay ugu hooseyso innaad kuulli noqotid, muhiimaddu waa  inaad noloshaadda maareysid oo aannad cid baryin oo aannad wax waydiisan.

17.                         Baryadda Alle oo markasta la joogteeyo  bilaw illaa dhammaad.

18.                         Waalidkaa oo aad ka ducaysatid lana wadaagtid in ay shaqo kuugu duceeyaan

19.                        Barashadda Bulshadda qaybaheedda kala duwan

20.                        Bulshadda oo la caawiyo, dhexdoodanna wanaag looga dhex shaqeeyo

21.                         Inta aad dugsiga sare ku jirtid u diyaar garaw innaad shaqo doon noqotid, shaqaysatid, xirfado shaqo oo kala duwan baratid, tusaale, haddii aad 4 sanno ee form foorka aad sanadkasta xirfad baratid waxaan aamin ahay innaanad waligaa shaqo la’aan dareemayn.

“Shaqo la’aan ma jirtee shaqaysi la’aan baa jirta”

La soco qaybaha dambe……………………..

Maqaalkani  wuxuu noqon doonnaa  mid taxanne ah Haddii aad ka heshay igu dhiirri gali tallana ka soo bixi.

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Article: 323

Tell: – 063-4400319

Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker