Musharax U Tartamaaya Maayarnimada Berbera Oo Deegaanka Dhaymoole ee Degmada Berbera Kaga Dhawaaqay

“Hankaygu maaha kaliya inaan Xubin ka noqdo Golaha Deegaanka Degmada Berbera ee waxan u taaganahay Inaan Noqdo Gudoomiyaha” Aqoonyahan Maxamed Cabdilaahi Cilmi ( Maxamed Case )  Musharax  U Tartamaaya Maayarnimada Magaalada Berbera.

Image may contain: 2 people, people standing

Berbera(OWN )-Aqoonyahan Maxamed Cabdilaahi Cilmi ( Maxamed Case) oo kamida dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee dalka dibadiisa wax kusoo baratay ee kasoo jeeda Degmada berbera ayaa Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Deegaanka Taariikhiga ah ee Dhaymoole ee Degmada Berbera kaga dhawaaqay  Inuu u taagan yahay Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera isagoo isla markaasina shaaciyey inuu gaar ugu tartamaayo Booska Hogaaminta golaha deegaanka Degmada Berbera ee Maayarnimada.

Image may contain: 6 people, people standing and outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoor

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa ugu horeyn hadalo taageero iyo hambalyo iskugu jira madasha kazoo jeediyey Qaar kamida  Waxgaradka ,Cuqaasha,Dhalinyarada iyo Haweenka Degmada Berbera iyagoo isla markaasina iska daba maray sida ay hiil iyo hooba ula garabtaagan yihiin Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case)

Dhinaca kale Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi oo ugu horeyn u mahadnaqay bulshadii tirade badnayd ee kazoo qayb-gashay Xaflada uu ku shaacinaayey Musharaxnimadiisa ayaa waxa uu Bulshada Deegaanka Berbera u balanqaaday hadii ay codkooda siiyaan inuu noqondoo Masuul xilkasa oo aan ka shaqaysan bulshada jilicsan ee noqondoono Masuul u shaqeeya oo dantooda guud daryeela .

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing

Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case) ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi ,“Mudo dheer ayuu dayacnaa deegaankeenani gaar ahaan qaybtiisan kasoo durugsan magaalada Berbera oo aad ugu dulmanaa Maamuladii kala danbeeyey ee guud ahaan dalka soo maray gaar ahaana Maayaradii iyo Golayaashii Deegaanka ee u kala danbeeyey oo aan habayaraatee waxba ka qaban daabiyadaha iyo deegaanada Miyiga ah ee degmada Berbera ee ay kamidka tahay magaaladan qadiimiga ah ee dhaymoole ee aynu hada ku suganahay.”

Image may contain: 3 people

Image may contain: 2 people

Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case) isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi, “Dayaca iyo daryeel la’aanta baahsan ee haysta deegankan aan kasoo jeedo ayaa igu kalifay inaan isu soo taago una tartamo Doorashada Golaha Deeganka Degmada Berbera anigoo maanta haysta shaqo fiican oo laga yaabo inaan kaba mushahar badanahay inta uu qaato bishii Xildhibaanka Golaha Deegaanka Degmada Berbera,Hadaba maanta waxan halkan kaga dhawaaqayaa inaan u taaganay Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Berbera , gaar ahaan waxan u tartamayaa Booska Gudoomiyaha Golaha Deeganka Berbera oo ah halka wax ka saxmaan ama wax ka qaldamaan, “

Image may contain: 3 people

Musharax Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Maxamed Case) sidoo kale isagoo ka hadlaaya waxyaabaha u qorshaysan hadii uu xilkan ku guuleysto ayaa waxa uu yidhi “Hadii ilaahay igu guuleeyo waxyaabaha ii qorshaysan inaan wax ka qabto waxa kamida, Baahiyaha Bulshada Deegaanka Berbera anigoo ka fuudhyeelidoona deegaanada miyiga degamada Berbera oo aad ugu dulmanaa dhamaan maamuladii dalka iyo degmada soo maray intii Somaliland jirtay . Tusaale ahaan deegaanka Dhaymoole oo ummadda reer Somalliland garanaayo taariikhda uu leeyahay iyo ilaa mudadio uu magaalada ahaa hadana malaha MCH, umushu dhiig bax ayey ugu dhimataa, mala Umpluce oo dhaawacu dhexduu kusii go’aa, Malaha Saldhig Boolis oo hadii laba qof isdilaan malaha qolyar oo lagu xidho, malaha Dugsiyo waxbarasho mid hoose mid sare iyo mid dhexe intaba. Deegaanada kale ee miyiga degmada Berberina waa wada sidaas oo kale oo dulmigaaa baa ka jira”

Image may contain: 1 person, text

Gabagabadii ayaa Musharax Maxamed Cabdilaahi waxa uu balanqaaday inuu wax ka bedlidoono hadii uu ku guulaysto Kursiga Qaab-dhismeedka Maamulka Magaalada Berbera waxaanu yidhi,

“Sidoo kale waxa aan samayndoonaa maamul daadajin anigoo magaalada berbera u samayndoona Waaxo iyo Xaafado leh maamul si rasmiya u shaqeeyaa anigoo qorshahaygu yahay inaan ka dhigo sida Xaafadaha Magaalada Hargeysa u kala shaqeeyaan maamulkoodu inaan ka dhigo halka maanta ay magaalada berbera maamulka ka jiraa la mid yahay Xaafad kamida Hargeysa ama Waax kamida Hargeys.”

 Image may contain: 4 people, people standing

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing, wedding, tree and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, people walking, crowd and outdoor

Image may contain: 5 people

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker