Wallee adhi baan daasad ka ilbixin: Ma maanta iyo Xamar iyo shir hor leh iyo isla kooxdii!

Sida aan waqtiyo badan ka faallooday degaanada SSC (Dhulbahante) wax muddo ka taagnaa duruufo u gaar ah oo u baahan in loo helo xal ku habboon oo lagaga gudbo. Nasiib darro isla dadkii dhibku haystay ee xalka laga rabey ayaa marba marka marka kasii danbaysa sii fogaynaya rajadii laga qabey inay xal “naftooda” ugu helaan!

Markaad weydiisid dadka Dhulbahante waa maxay dhibka ugu weyn ee idin haysta waxay badi ku odhanayaan “dhulkayadii waxa xoog ku qabsaday maamulka Somaliland”. Haddaad weydiisid waa maxay dhibka ay kugu hayaan Somaliland maad iyaguba waa Soomaaliye wax la qaybsatid. Waxay kuugu jawaabayaan; ” goosasho aanaan raalli ka ahyn ayay rabaan inay nagu san dulleeyaan oo Soomaali inteedii kale naga jaraan”. Maxaa xal ah markaad weydiisidna waxay kuugu jawaabayaan “inaanu nimankaa iska saarno oo dhulkayaga iyo taladayada u madaxbannaanaano Soomaalina la talo ahaanno”. Sidee iskaga kicin kartaan markaad weydiisona, waxay kuugu jawaabayaan “in loo midoobo”!

Dhibi waxay ka taagan tahay sidii arrimahan ficil loogu beddeli lahaa. Maxaa keenaya dhibkaas? Waxa keenaya ee ugu weyni waa dadkii la rabey inay dadkan hormuud u noqdaan ayaa khiyaamo aan daba go’ayn dadkan la daba taagan. Laga soo bilaabo NSUM, SSC, Kaafi Community iyo tii waxaba isku liqday ee la baxday KHAATUMO, ma jirto koox wax ka qabatay baahiyihii degaankooda, mid sii fogeysey mooyee haba ugu darraato kooxdii ragga culayska lagu tuhmayey wateen (G6). Si aad u ogaatid rajada kooxdani laashay akhri qoraalkan aan qoray Apr 2016.  https://www.facebook.com/mohamoud.ibrahim.90/posts/10207986699079824

Kooxdan Khaatumo aakhirkii way kala jabeen waxaana mulkiilihii Dr Galaydh u galay Somaliland. Badi intii talada la wadeyna waxay isu cumaamadeen wax ay ugu yeedheen “Guurtida Khaatumo”. Kooxdan cusubi ma soo bandhigin wax ka beddelan farsamadii Dr Galaydh ee ahayd inuu danta dadka ku jaangooyo rabitaankiisa, (macallinkoodii uun bay ka qisheen). Dr. wuxuu kuwan kaga xariifsanaa qorshayaal isdaba joog ah ayuu dadka u soo bandhigi jireyba. Bal dhugo lifaaqan. https://karinnews.net/…/Yaa-Gardaran-Galaydh-iyo-G11By-Maxa…

Kooxdan la baxday “guurtida Khaatumo” waxay tallabadoodii ugu horreysey noqotay inay jidgooyo u dhigtaan shir Isimadu iclaamiyeen 2017 oo la rabey in lagaga soo kabto waxyaalihii hore u khaldamay, shirkaasoo lagu baaqay in Buuhoodle lagu qabto badhtamihii 2017. Halkan ka dhegeyso Isimadoo shirkaas ka hadlaya https://www.youtube.com/watch?v=sPSqjwMijPY

Shirkan Isimadu ku baaqeen 2017 waxa baajiyey inuu dhaco kooxda labaxday guurtida Khaatumo oo danahooda gaarka ah ka arki waayey. Qoraal aan waqtigaa kaga faaloodayna halkan ka daalacda https://www.facebook.com/mohamoud.ibrahim.90/posts/10212219995269583

Waxa xusid mudan in sannadkan bilowgiisii Dr Cali Ciise Cabdi oo kooxdan budhtuure u ah uu u tartamay inuu noqdo Madaxweynaha Puntland.

Haddaba maxa maanta qormadan iyo milicsiga taariikhahan igu xambaaray? Waxa igu xambaaray in kooxdii la baxday “Guurtida Khaatumo” ay maalmahan Xamar ka wadeen shirar fool-ka-fool ah iyo mid dhinaca telefoonka ah. Kulammadani maxaa laga filan karaa? Maxaase waqtigan ku soo beegay? Kulammadan wixii hore ee danaysiga khaaska ah ku salaysnaa aakhirkana burburka horta leh horseedi jirey wax ka duwan kama filan karno. Waxa waqtigan ku soo beegay aragtidayga waa arrin ku salaysan doorashada Xamar ka dhici doonta 2020-2021, iyo soo xulidda xildhibaannada reerka Dhulbahante. Marka hore, sidaan marar badan sheegay qof kasta oo degaannadan ka soo jeedaa xaq buu u leeyahay inuu u hanqaltaago madaxtinimada Soomaaliya, wuxuu degaannaduu ka soo jeedona xaq ugu leeyahay inay badhitaaraan oo taageeraan. Waxase habboon inaan la isku khaldin damaca qofka iyo diifta iyo darxumada haysata degaannada SSC. Haddi labadaasi la is dhexgeliyo waxa dhacaysa in sidii hore u dhacday labadaba la seego oo hungo laga dhaxlo.

Maxaa xal ah haddaba? Xalku wuxuu iila muuqdaa haddi la rabo in natiijo ka duwan kuwii hore ay soo baxdo, waa in waddo ka duwan kuwii hore la raacaa.

1) Maxaa mideeya dadkan oo ay isugu imaan karaan? Waxa keliya ee dadkan mideeyaa ee iyaga u gaarka ahi waa abtirsiinyada. Waa in la isugu yimaaddaa shir beeleed ka madaxbannaan siyaasi dan leh iyo maamul labadaba. Shirkaas cidda keliya ee dalbi kartaa waa cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka reeraha.
2) Shirkan waa in lagu macsuumaa ergooyin reeraha oo dhan metela loona asteeyaa qoys walba ergo. Reer waliba ergadiisa ciddii uu rabo si xor ah ha usoo dirasado iyagoo waxay doonaan aamminsan.
3) Ergooyinkaasi waa inay dood ka galaan duruufaha reerka uyaalla iyo qaabka ugu habboon ee loo maarayn karo.
4) Gebagebadana waa in natiijada ugu habboon ee badi la isku raaco la qaataa. Waxase muhiim ah in natiijadaasi ay tahay mid la dhaqan gelin karo oo aan caadifad iyo laab la kac ku salaysnayn.
5) Gebagebadiina wax Alla iyo wixii dan la moodo ee lagu heshiiyo waa in hareeraha la iska taagaa.

Qoaladan Xamar marba dadka dhinac iska tusaysana waxaan leeyahay, jaallayaal cid aad hawl ugu maqan tihiin ma jirtee haddii dhibka jiraa idin damqayo ka shaqeeya sidii shir qabiilo oo madax bannaani u hirgeli lahaa. Nasiibkiinnana ka qaada haddii qoysaskiinnu ergada idin ku aamminaan. Haddii la idinku aammini waayona dadkiinna dhinac ka raaca. OGAADANA NIMANKKIIN LA BAXAY GUURTIDA KHAATUMO WIXII KHAATUMO DAKAN U GEYSATAY WELI LAGAMA XISAABTAMIN LAMANA ILLAAWIN, WAANA IDIN SUGAYSAA IN LA IDIN KALA XISAABTAMO.

By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker