Ergayga Qaramada Midoobay oo caddeeyey Muhiimadda Istaraatajiyeed ee Somaliland u leedahay Geeska Afrika

 

Hargeysa (OWN)- Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay muhiimadda ay Somaliland u leedahay mandaqadda Geeska Afrika iyo Hawl-gallada gargaarka bani’aadamnimo ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan dalalka gobolka qaarkood, waxaanay tusaale ugu soo qaadateen dekedda Berbera iyo doorka ay ka qaadato hawl-gallada hay’adaha gargaarka.

Salaasadii Toddobaadkan waxa magaalada Hargeisa soo gaadhay wefti ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha Soomaalida Dajire James Swan oo ay weheliyaan Madaxa hay’adda WPF Cesar Arroyo, Wakiilka hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxoontiga ee UNHCR Johann Siffointe iyo Maareeyaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Haweenka ee UN Women Sadiq Syed, kuwaas oo qayb ka ah in ka badan 20 Hay’adaha Qaramada Midoobay ah oo ka hawl-gala gudaha Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Danjire James Swan kaddib kulankii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhexmaray.

Si aad u akhrisato Warkan oo faahfaahsan ama dhammaystiran, guji Sawirka Hoose

 

Oodweyne News

Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker