Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta JSL Oo Kulan la qaatay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Wararka Itoobiya

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa kulan la yeeshay maareeyaha guud ee wakaaladda wararka Itoobiya.

Agaasimaha guud  ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Mukhtaar Maxamed Cali waxa wehelinayay Safiirka ku xigeenka  Somaliland u fadhiya Itoobiya  Barkhad Maxamuud Kaariye iyo agaasimaha waaxda qorshaynta Cabdiqaadir Dayib Askar.

Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Addis ababa ayaa ahaa mid farsamo oo masuuliyintu ay kaga wada hadlayeen xidhiidhka labada dal ee dhinaca iskaashiga warbaahinta iyo sidii loo horumarin lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland sidoo kale waxa uu kulan la yeeshay intii ku sugnaa magaalada Addis ababa madaxa baahinta iyo farsamada ee wakaaladda Maraykanka u qaabilsan warbaahinta Caalamiga ah,iyadoo kulankaasi lagaga hadlay sidii dawladda Maraykanku warbaahinta qaranka Somaliland uga taageeri lahayd dhinaca kobcinta iyo horumarinta xirfadaha warbaahinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker