Shiinaha Oo UK Uga Digay Malaayiin Qof Oo Hongkong u dhasgay oo ay Siinayso Jinsiyadda dalkeeda

 

 

 

 

 

Shiinaha ayaa UK uga digay iney soo faragashato arrimaha Hong Kong gaar ahaanna sharciga ammaanka qaranka ee ay Beijing dooneyso iney ka hirgeliso Hong Kong.

Danjire Liu Xiaoming wuxuu sheegay baaqa ka soo yeedhay UK ee ah iney dad ka badan 3 malyan oo Hong Kong ka soo jeeda ay sharciga UK siineyso ay tahay ‘Faragelin guud’.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Dominic Raab ayaa eeddaasi ku gacan seydhay.

Kooxaha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaa sheegay sharcigan inuu meesha ka saarayo xorriyadda iyo xuquuqdi ismaamul ee ay Hong kong lahayd.

 

Mar sii horreysayna Joshua Wmog oo ka mid ah xubnaha ugu cad cad ee u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Hong Kong wuxuu caalamka uu u diray codsi uu ku dalbanayo in qaddiyadda Hong Kong la garab istaago.

 

Danjire Liu wuxuu sheegay inuu rajeynayo UK iney ka laaban doonto mowqifka ay sharciga muwaaddinimada ku siineyso shacab badan oo Hong Kong ku nool.

 

“Dowladda UK waxay gaartay qaraar aan xilkasnimo ahayn oo ay arrimaha Hong Kong ku soo faragelineyso” ayuu yidhi mar uu ka hadlay shir jaraaid oo muuqaal dhinaca khadka interneetka ah oo uu qabtay.

Danjiraha wuxuu sheegay iney tallaabbada rasmiga ah ee ay Beijing ugu talagashay iney uga falceliso arrintan la ogaan doono marki ay faahfaahinta ogaato.

 

Mr Liu sida oo kale wuxuu UK uu u diray digniin ku saabsan go’aannada liddiga ku ah shirkadda weyn ee dhinaca teknooloojiyadda ee laga leeyahay dalka Shinaha ee Huawei iney horumariso adeeggeeda interneetka ee 5G, taasoo farriin aad u xun u direyso shariikadaha kale uu Shiinaha leeyahay.

 

UK ayaa waxay ku doodeysaa inuu Shiinaha baalmaray heshiiski dhaqangalay 1997-kii, heshiiskaasi oo Hong Kong u oggolaanayey muddo 50 sana ah iney xuriiyado gaar ah hesho inta si kama dambeys ah Hong Kong gacanta Beijing looga celinayo.

 

 

Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa ku adkeysanayo qorshaha Britain ay malaayiinta qof dhalashada ku siineyso iney mataleyn faragelin arrimaha gudaha Shiinaha lagu sameynayo.

 

 

UK ayaa waxay ku doodeysaa inuu Shiinaha baalmaray heshiiski dhaqangalay 1997-kii, heshiiskaasi oo Hong Kong u oggolaanayey muddo 50 sana ah iney xuriiyado gaar ah hesho inta si kama dambeys ah Hong Kong gacanta Beijing looga celinayo.

 

 

Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa ku adkeysanayo qorshaha Britain ay malaayiinta qof dhalashada ku siineyso iney mataleyn faragelin arrimaha gudaha Shiinaha lagu sameynayo.

 

 

Isniintina Facebook iyo WhatsApp waxay sheegeen iney “hakiyeen” codsiyada iyo farriimaha la xidhiidha dowladda Hong Kong iyo awood ku maquuninta ee salka ku haya sharciga ammaanka qaranka ay Beiging soo waddo.

 

 

Qiimeynta sharcigaasi lagu sameeynayana “waxaa ka mid ah xadgudbyada aan tooska ahayn ee xuquuqda aadanaha oo loo kuur galo iyo wadatashiyo lala yeesho khubarada arrimaha xuquuqda aadanaha”.

 

 

 

Xukumadda Shiinaha ayaa diyaarisay sharci muran dhaliyey oo ay dooneyso iney Hong Kong ka hirgeliso, uuna meel mariyo baarlamaanka Shiinaha oo uu maanta u billaabmayo shirweynihiisi siyaasadeed ee ugu weynaa sanadkan.

 

 

Dastuur hoosaadka Hong Kong wuxuu dhigayaa iney Hong Kong awood u leedahay iney soo saarto shuruucda amniga lagu ilaalinayo loogana hortagayo “Khiyaamo qaran, gooni iisu taag iyo kacdoon”.

 

 

Hase yeeshee, sharci noocaasi weli kama hirgelin Hong Kong balse Shiinaha ayaa hadda gadaal ka riixaya sidi sharci noocaasi loo meel marin lahaa.

 

 

Golaha Koongareska qaranka ee Shiinaha wuxuu inta badan meel mariyaa go’aannada ka soo baxa hogaanka sare ee xisbiga hanti wadaagga Shiinaha.

 

 

Hong Kong “waa ismaamul gooni ah” oo hoos taga Shiinaha, waxaana loo arkaa “hal dal oo haddana laba nidaam ku dhaqamaya” tani iyo marki ay xorriyadda Hong Kong dib u soo celisay Britain 1997-kii.

 

 

Sanadki hore Hog Kong waxaa ka dhacay mudaharaadyo rabshada wata oo ay shacabka mudaharaadaya ku dalbanayaan isbeddello sal ballaadhan.

 

 

Dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa cabsi weyn ka muujiyey sharcigan uu Shiinaha gadaal ka riixayo ay ku sheegeen “dhammaadkii Hong kong”, meeshana ay ka baxayso madaxbannaaidi gobolka iyo xorrriyadda.

 

 

Hoggaanka sare ee Shiinahana waxay sheegeen iney aaminsan yihiin sharciga ay soo saarayaan inuu noqon doono mid loga hortago mudaharaadyada muddada dheer ka socdo Hong Kong.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker