Wararkii Ugu danbeeyey Xaaladda Soomaalida ka Qaxeysa Ukraine
Xukumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladda Soomaalida ka qaxay dagaalka ka socda Ukriane, iyada oo sheegtay in ay heleen daryeel iyo soo dhoweyn ku filan.
WarSaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Afartan (40) muwaadin oo Soomaali ah ayaa si nabadgelyo ah ku gaadhay dalka Romania, waxa ay afar (4) kale ay gaadheen dalka Germany, sidoo kale todobo (7) kale waxa ay gaari doonaan dalka Poland marka la hubiyo dukumintiyada xaqiijinaya dhalashadooda.
Waxaa intaasi dheer , in Safaaradda Soomaaliya ee Biljimka ay u fududeysay 24 muwaadin inay ku helaan dukumintiyada dhalashada muddo 24 saac gudahooda.
Dowladahaasi martigelinta samaynaya waxa ay soo dhowayn doonaan ardayda Soomaaliyeed ee gaadhaysa dalalka Romania, Hungary iyo Serbia ee danaynaya inay sii wataan waxbarashadooda.