Maxaa Sababay inuu Iibsado Xildhiban Maxamuud Xareed Rooble Kursigii Xuquuqal insaanka ee Gobolka Awdal?. W/Q Xasan Cabdilahi Saleeban.

Xildhiban Maxamuud Xareed Rooble oo Kamid ah Xildhibanada golaha Guurtida u metela Gobolka Awdal, ayaa dhowaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kusoo daray guddidii waraabe u taaga ahayd, ee soo xulaysay todobadii xubnood ee xaquuqal insaanka Qaranka.
Gudidaas, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Gudoomiye uga dhigay, Yuusuf Kirix, halka Gudoomiye ku Xigeenkana looga dhigay Xildhiban Maxamuud Xareedo Rooble. Gudidaasi waxay qabteen In ka badan 150-Cv oo shaqo doon ah, isla markaana ay soo codsadeen Aqoonyahanka wadanka oo gobol walba kasoo jeeda, iyo sidoo kale xubnaha ehellu xaquuqal Insaan ka ahba.
Odayaasha loo xil saaray soo xulista guddida xuquuqal insaanku waa kuwo aan haba yaraatee so madax banaan u gudan shaqada loo diray, hase-ahaatee waxa si toosa shaqadoodii ugala wareegay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha,  Mubaarak Ismaaciil Taani, oo isaggu si badheedha uga tuuray booskii reer Awdal, isla markaana halkoodii kasoo geliyey Wiil yar oo isaga basaas war geeya ah u ah, kaasoo uu ugu abaal guday inuu siiyo kursigii xaquuqal insaanka ee Beelaha Samaroon.
Xoghaye Mubaarak Taani waxa uu Xildhiban Maxamuud Xareed Rooble markii dambe ku aamusiiyey xooga dhaqaale ah oo u ugu sheegay sooryo Madaxweyne Muuse Biixi ugu soo dhiibay.
Xubinta labaad ee u Xoghayaha Madaxweyne Muuse Biixi kusoo darsaday guddida xaquuqal Insaanka waxa Kamid ah, Wiil garyaaqan isku sheegi jiray oo Tuuganimo lagaga fadhiisiyey shaqada garsoorka, hase yeeshee waxa uu qasab ku marsiiyey Mubaarak Taani inuu guddida xaquuqal insaanka ugu fadhiisiyo Beelaha Gabooye, halka uu ka dul guuray xubno kaloo beeshaas ah soo dalbaday.
haddab, hadii aanu nahay dhalinyarada Awdal, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu waxka qabto falkaa foosha xun ee u ku talaabsaday Xoghayihiisa gaarka ahi, isla markaana Dib ugu noqdo, gudidaas oo saamigeedii la marin jiray kusoo celiyo. Wiilka Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Kamid yahay Ciil qabayaasha nacaybka Isir u haya shacabka Beelaha Samaroon.
La soco qaybaha dambe.
W/Q Xasan Cabdilahi Saleeban.
Boorama/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker