Khilaafka Turkiga Iyo Iran Oo Meel Xun Gaadhay Iyo Sababta?
Madaxweyne Erdogan ayaa Khamiistii booqday dalka Azerbaijan, isaga oo ka qeyb galay dhoola-tus militari oo Baku ay ugu dabaal degeysay guusha militari ee ay ka gaadhay dagaalkii ay la gashay Armenia ee salka ku hayey gobolka Nagorno-Karabakh.
Intii lagu guda jiray booqashadaas, ayaa Erdogan waxa uu aqriyey gabay ay Tehran sheegtay inuu dhiiri-gelinayo bulshada gooni u goosatada laga tira badan yahay ee dalkaas, ee asal ahaan kasoo jeeda Azerbaijan.
Iran ayaa waxaa degan bulsho badan oo Azeri ah, oo badankood ku nool gobollada waqooyiga galbeed ee dalkaas ee xuduudda la leh Azerbaijan iyo Armenia, halkaasi oo webiga Aras uu kala qeybiyo xuduudda.
Maalinkii xigay, Wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa qoraal uu maalinkii xigay soo dhigay twitter ku sheegay in “madaxweyne Erdogan aan lagu wargelin in waxa uu sida qaldan u aqriyey ay Baku ula jeedo in gobollada waqooyi ee aagga Aras si qasab ah looga gooyo dalka Iran.”
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee ISNA, gabaygaas “waa mid ka mid ah astaamaha gooni u goosatada aaminsan Turkish-nimada.”
Mas’uuliyiinta Iran ayaa u yeeray safiirka Turkiga ee Tehran si ay cabasho uga muujiyaan “Hadallada faro-gelinta ah ee aan la aqbali karin” ee Erdogan.
Ayada oo ka jawaabeysa ayaa Turkey waxay u yeedhay safiirka Iran ee Ankara, sababo la xidhiidha sheegashooyin aan “sal lahayn.”
Turkey ayaa kasii dartay Sabtidii, waxaana bayaan kasoo baxay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Fahrettin Altun lagu yiri “Waxaan cambaareeneynaa in hadal aflagaado ah loo adeegsado madaxweynaheena iyo dalkeena, sababo la xidhiidha gabay la aqriyey, kaasi oo macnihiisa si qaldan loo fasiray.”