Gabadh Soomaali Ah Oo Loo Magacaabay Inay Ka mid Noqoto la taliyeyaasha Raisul Wasaaraha Canada

Gabadh  Somali-Canadian ah oo u ololeysa Dhaqdhaqaaqa Dhallinyaradda ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

 

Habboon Cali oo haatan Arday ka ah Jamaacadda  University of Toronto ayaa u sheegtay Shabakadda Muslim Link in loo magacaabay xubinnimadda Golahaasi oo 20 qof ka kooban, kuwaasoo dhinaca La-talinta ugu qaabilsan Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

 

Iyadoo ka hadleysay hawsha loo xil-saaray waxay tilmaantay in iyada mas’uul ka tahay bixinta Talooyinka Ra’isul-wasaaraha Canada iyo Xukuumadiisa laga siinayso dhinacyadda Caafimaadka Dhimirka, Dib u heshiisiinta Shucuubta Asaliga, Kala duwanaanshaha, Hal-abuurka iyo Kobaca Dhaqaalaha.

 

Mar wax laga weydiiyey waxay ku soo kordhinayso Dhallinyarada ku nool Canada, waxay Habboon Cali sheegtay inay u istaagi doonto sidii ay u heli laahaayeen dhiirigelin iyo inay Siyaasadda ka soo muuqdaan.

Soomaalida xilalka sare ka qabanaya dalka Canada ayaa mudooyinkan sii kordhayey, waxaana ka mid ah Soomaalida jagooyinka sare ka haya dalkaas wasiirka socdaalka iyo xildhibaan dhowaan ku guuleystay inuu ka mid noqdo golaha degaanka magaalada Ontario.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker