Ceel-afweyn ma colaaday u dhalatay!!

Waxaan salaamayaa dhamman dadka afka somaliga ku hadla salaan kadib waxaan jecelahay inaan wax yar ka idhaahdo dagaalka soo noqo noqday ee degaanka ceelafweyn dad walalo ah oo deris wadaaga inuu dami waayo dagaalkoodu arin weynba meesha ku jirta !!

Waxaa nasiib xumo ah in wiil iyo waalidkii abtigii inbtigii habarwadaagii ay heshiin waayaan colaadu waa cadday inay tahay duufaan dabada laga soo hurinaayo dan gaar ahna laga leeyahay dadku waa isdilaa haddana wey dhamaataa lakiin maanta danqabiil iyo mid siyaasi oo aan ahayn cidda is dilaysa ayaa hawsha cakiraysa

Cudud milateri iyo cabudhin ciil ma biiso colaadana damin mayso waa hadii runta laga hadlo miiska wada hadalka ayaa xaajo kasta xal looga dhigi jiray
Haddase waxaa muuqata in marin habaabin iyo mawqif xumo lagu wado hawsha hanjabaad nin aan hoy iyo hanti ka ool oo saxaafadda la soo mariyo munaafaq war dadka ciya qora waa wax yaabaha maanta melega ku noqday masaaakiinta dhiigoodi iyo dhecaankodi xalaashaday
Waxaan reer ceelafweyn leeyahay nin aab kuu furi doonin yaanu kuu rarin aayihiina indinkaa ka ariminkara cadho iyo ciilkastaaad qabtaan colaadu wey dhamaataa degaan iyo dal laysku dilimaayo hanti iyo hub lama kala haysto maxay tahay sababta waayeel iyo wax garadba loodilay
Somalidu waxay ku maah maahda doqoni qiiq kama kacdee daamankay leex leexisaa dagaalku waa caynkaa hadda waayo xaqiiqda layska indho tiray hufinta nin aaan hagaagaa rabin maxaad ugu hiti kacaysaaa hubi naftaada oo hilinka nabadda hogaan u xidha

tix afaray ah aan ku gunaanado dhamaadaka maqaalkan
Dulmiga ruux kula raboo
Dad nimadaadana jeclayn
Ayaa dusha nabaradiyo
Dilaalka xumaanta iyo
Dagaal hoosaad wadoo
Adiga kaa daahan wali
Dadkaaga nimaan jeclayn
Inay dunidaba jiraan
Ayaa kugu diirsadoo
Colaadu u tahay dankale
Nin aan doonistaada rabin
Duruuftaadana arkayn
Ayaa duminaaya oo
Dagaal kugu wada qarsoon

Damaca ruux doorashiyo
Xilkiisa uun daawadaa
Doolarka qori iyo rasaas
Degaankaaga soo dhigoo
Dabkana kugu shidaya oo
Dantiisana aanan garan

Allow daawee dadkoo
Dariiqa wanaagsan iyo
Wixii doorkoodu yahay
Adaa deeqsiin karee
Dulmiga baabii ka jira
Colaada dabkeeda dami

Xaqqa allah ha garanaiiyo dadka shydaanku dacarta isu mariyey

 

maxamed maxamuud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker