Jasiiradda Malta Oo Qaabishay Muhaajiriin Soomaali ah Oo ku Xayirnaa Badda muddo

Jasiiradda Malta ayaa ogolaatay in xeebaheeda ay ka degaan muhaajiriin in muddo ah ku dhex goโ€™doonsanaa markab xoolaha qaado oo nadaafaddiisa laga deyriyay.

 

 

Markabkan waxaa saarnaa muhaajiriin intooda badan ay yihiin Soomaali, waxay gaarayeen ilaa 50 qof.

 

 

Horraan, Malta waxay diidday inay qaabisho muhaajiriintan, waxay ku doodeyso in xeryaha lagu qaabilo dadkaas ee ku yaalla Malta ay buux dhaafeen.

 

 

Balse Talaadadii Malta waxay sheegtay in Yurub ay qaabili doonto ilaa 200 oo muhaajiriin ah kaddib markii heshiis ay wada gaadheen.

 

 

Isniintii, Talyaaniga wuxuu fasaxay muhaarijiin gaaraya 180 oo saarnaa markab ku goโ€™doonsanaa xeebaha badda Mediterranean-ka, waxay muhaajirintaas ka kala socdeen dalalka Pakistaan, Eritrea iyo Nigeria, waxaana muhaajirintaas markii hore laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya.

Sannadkii lasoo dhaafay, In ka badan 110,000 muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, waxaana halkaas ku dhintay 1,200 muhaajiriin ah, sida laga soo xigtay Haโ€™yadda Socdaalka Adduunka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker