Madaxwayne Muuse oo magacaabay Masuul Cusub?
Hargaysa: (OWN) Warsaxaafadeedkan oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa udhignaa sidatan. WAR-SAXAAFADEED: 03 /07/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka
Markaan Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markaan Sameeyey: In uu hanan karo xilkan;
Waxaan Goโaamiyey;
In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland