Dagaallo Ciidammada Dawladda Iyo Malleeshiyo beeleedyo ku dhexmaray Magaalooyinka Fadhigaab iyo Ceel-midgaan Ee Galbeedka Sanaag, Khasaarayaal Kadhashay iyo Xaaladda Oo Cakiran

 

 

Ceerigaabo(OWN) Wararka ka imanaya degaannada Galbeedka Sanaag ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta ciidammada dawladda iyo malleeshiyo beeleedyo hubaysan dagaallo ku dhexmareen magaalooyinka Fadhigaab iyo Ceel-midgaan Ee Galbeedka Sanaag dagaalladaas oo rasaas laysu adeegsadey.

 

Dagaalladan ayaa ka bilawday sida wararku sheegayaan kaddib markii malleeshiyo hubaysani soo galeen gudaha magaalada Fadhigaab oo muddooyinkan u danbeeyeyba ciidammada dawladda fadhiisin u ahayd kaddibna ciidammadu ku wargeliyeen malleeshiyada hubaysani inay ka baxaan magaalada balse ay diideen kaddibna halkaas dagaal ka bilawday islamarkaasna qaar kamid ah malleeshiyadii hubaysnayd oo ciidammadu gacanta kudhigeen unasoo qaadeen dhinaca magaalada Ceel-afweyn ay mar kale malleeshiyo beeleed hubaysani jidgooyo ciidanka uga galeen magaalada Ceel-midgaan oo u dhexaysa magaalooyinka Fadhigaab iyo Ceel-afweyn halkaasoo mar kale malleeshiyo beeleedkaas iyo ciidammadii dawladda dagaal ku dhexmaray. Waxana wararku sheegayaan inay jiraan dhaawacyo labada dhinacba kasoo gaadhey iska hor imaadyadaas, dhaawacyadaas oo qaarkood dhinaca galbeedka loo qaaday halka qaarkood oo maxaabbiis malleeshiyo beeleedyadaass kamid ahna ciidammadu soo gaadhsiiyeen magaalada Ceel-afweyn.

 

Waxa kale oo wararku intaas kusii darayaan in gebi ahaan isusocodkii gaaddiidka ee waddadaas oo ah waddada isku xidha gobollada Togdheer iyo Sanaag hakad lageliyey caawa oo aanay jirin wax gaadiid ah oo mari kara habayaraatee, iyo weliba in ciidammada dawladdu kuwareegsan yihiin magaalooyinka Fadhigaab iyo Ceel-midgaan oo ay gudaha ugu jiraan malleeshiyaadkii ciidammada la dagaallamay.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker