Weerar Lala Beegsaday Sarkaal Sare Oo Ka-tirsan Ururka AlShabaab Ee Soomaaliya

Warar aanu ka helnay hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay maalintii Talaadada nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

Shabaab

Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay laanta afka soomaaliga ee VOA in sarkaalka la bartilmaameedsaday uu yahay Bashiir Maxamed Qoorgaba oo ka mid ah madaxda dhinaca ciidanka ee Al-Shabab.

Sarkaalkaasi ayaa ilo wareedyadu aaminsan yihiin inuu ka badbaaday weerarkaasi, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu soo gaadhay dhaawac. Waxaase hay’adaha amnigu sheegayaan inuu ku dhintay weerarka dareewalkii Bashiir Qoorgaab.

Hawlgalkan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo ay iskaashi leeyihiin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker