Toogasho ka dhacday dalka Maraykanka iyo khasaaraha uu gaystay
Toogashada ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka,waxaana lagu dilay dad gaadhaya shan qof, tiro kalena waa dhaawac
Weriye meesha joogay ayaa sheegay in qof hubaysan uu dadka ka toogtay muraayada dhismaha.
Shir jaraa’id oo maamulku ay qabteen ayaa lagu sheegay in ay dhacday toogasho galabnimadii Talaadada.
‘Dad badan ayaa shilkani ku dhintay’ Waxaa sidaasi yidhi sarkaal maamulka u hadlay.
Boolisku waxay sheegeen inaysan sheegi karin nooca hubka la isticmaalay.Waxayna intaasi raaciyeen in qofka laga shakisan yahay ay boolisku baadhitaan ku hayaan.
Waxaana baadhitaanada socda ka qaybqaadanaya hay’adaha amaanka oo FPI ay ka mid tahay.
Sarkaal lagu magacaabo Ryan Frashure ayaa sheegay inaanan la xaqiijin karin in toogashadu ay ka dhacday qolka wararka. Waxuuna intaasi raaciyay in boolisku ay weli dadka ka saarayaan dhismaha.
Wargeyskan la weeraray ayaa ah jariirad maalinle ah kana tirsan warbaahinta Capital Gazzete.
(BBC) NEWS