20 sano kadib Ethiopia iyo Eretria oo soo afjaraya loollan uu dhiig badani ku daatay.

Saddex bilood kahor xisbiga talada dalka Itoobiya haya ayaa soo magacaabay raisul wasaare cusub, kadib iscasilaaddii kadiska ahayd ee hoggaamiyihii hore.

Itoobiya: Dibadbaxyo isbaddal lagu doonayey

Arrintaan ayaa timid kadib dibadbaxyo balladhan oo sanado badan socday oo gilgilay guud ahaan dalka iyadoo dawladda lagu eedaynayey musuqmaasuq iyo xad gudubyo kadhan ah xuquuqda aadanaha.

Dawladda ayaa arrintan kaga falcelisay in ay xidhxidhto kumanaan mucaarad ah ayadoo soo rogtay xaalad dagdag ah.

Hadda, Abiy Ahmed oo 41 jir ah ayaa la yimid isbaddallo loo arko in dalku uu iska baddalayo siduu ahaa waayadii hore.

Waxa uu siidaayey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah, wuxuuna qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarnayd.

Maamulkiisa ayaa sidoo kale ballan qaaday xorriyadda hadalka iyadoo xayiraaddii laga qaaday boqolaal bogagga wax lagu qoro ee internet-ka.

Balse arrinta ugu muhiimsan ee uu ku dhawaaqay ayaa ah in uu shuruud la’aan aqoonsaday uuna hilgalinayo heshiiskii nabadda ee dalka dariska ah ee Eritrea kaas oo la saxiixay sanadkii 2000.

Sanadkii 1998 ilaa 2000 labada dal waxaa dhex maray dagaal ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 80’000 oo qof.

Heshiiskii nabadda ee Qaramada midoobay ay gadhwadeenka ka ahayd ayaa Eritrea lagu siiyey magaalada Badme. Maamulkii hore ee Itoobiya ma aanu hirgalin xukunka ciidamadiisuna wali waxay ku sugan yihiin deegaankaas.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Iyo Wasiirka arrimaha dibadda Eretria

Balse hadda, markii ugu horraysay 20 sano kadib, ayaa wafdi ka socda Eritrea waxay toos u yimaadeen magaalada Addis Ababa.

Heshiiska nabadda ayaa horseedi kara in uu soo afjaro nidaamka askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ee Eritrea.

Nidaamkan askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ayaa ah sababta ugu weyn ee dhalinyaro badan oo Eritrea u dhashay ay dalkooda uga carareen.

Itoobiya gudaheeda, cid waliba raali kama wada ahan isbaddalladiisa cusub, arrintaas ayaa waxaa hoosta ka xariiqay bambo gacmeedkii lala beegsaday isusoobixii nabadeed ee ballaadhnaa.

Isusoobax lagu taageerayey Raisul wasaare Abiy Ahmed

Inkastoo haatan uu Raisul Wasaare Abiy uu haysto shacbiyad ballaadhan oo ku aaddan qorshihiisa isbadalka.

XIGASHO: BBC SOMALI NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker