Yaa ka danbeeyey sii daynta Cabdikariin Qalbi-Dhagax?

 

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah xorriyaddiisa dib ugu helay.

Cabdikariin Qalbi Dagax ayaa sheegay in uu caalamka la socday.

Qalbidhagax oo sii deyntiisa ka dib la hadlay BBC ayaa sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Wuxuu intaa ku daray in muddadii uu xidhnaa uu haystay Raadiye iyo Internet, uuna la socday waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya.

Wuxuu BBC u sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen dawladda Itoobiya, odayaal iyo xubno ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya.

Qalbi dhagax ayaa bishii Agoosto ee sannadkii hore laga qabtay badhtamaha Soomaaliya, muddo yar oo uu ku jiray gacanta dawladda Soomaaliya ka dibna waxaa lagu wareejiyey dalka Itoobiya.

Cadho xoog leh ayaa ka dhalatay  dhiibistiisa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker