Xidhiidhka kubadda cagta Masar:’Ramaadanka ayaa sabab u ahaa guuldaradeena’

Kooxda qaranka ee kubadda cagta dalka Masar ayaa waxa ay guuldarooyin lama filaan ah kala kulmeen ciyaaraha koobka aduunka .

Madaxa Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Masar ee loo soo gaabiyo (EFA) Hany Abo Rida ayaa sheegay in Ramadaankii ka horeeyay Koobka aduunka uu saameeyay ololaha ciyaaryahanada ka qaybgalaysa tartanka Ruushka.

Madaxa xiriirka kubadda cagta Masar Hany Abo Rida

Ciyaartooyda Masar ayaa waxa ay go’aansadeen in ay Soomaan bisha Ramadan oo dhamaatay maalin ka hor furitaankii ciyaaraha oo lagu bilaabay dalka Masar.

Masar ayaa lagaga adkaaday dhammaan kulamadii ay la ciyaartay dalalka Uruguay,Ruushka iyo sacuudi Carabaiya.

“Si xun ayay noo saamaysay, waan la hadlay koobka aduunka ka hor balse way diideen in ay Soonka furan,”ayuu yiri Abo Rida.

“Waxa uu Ramadanka dhamaaday maalin ka hor furitaanka koobka aduunka balse Soonka ayaa saameeyay.”ayuu yri.

Abo Rida ayaa yri: “waxaan kuu xaqiijin karaa in wadamo badan oo carab ah ay ciyaaryahanadooda ay fureen soonka.”

Madaxa ururka kubadda cagta ee dalka Masar ee loos oo gaabiyo (EFA) Hany Abo Rida ayaa sidoo kale sheegay in imika ay raadinayaan tababare cusub oo badala Hector Cuper,oo jagada baneeyay ka dib guuldaradii Masar ee koobka aduunka.

Hasa yeeshee waxa uu ku adkaystay in aysan isku dayin in ay qortaan tababaraha Morocco Herve Renard oo u dhashay dalka Faransiiska.

Masar ayaa si guuldarada uga soo kabsato waxa ay imika diirada saaraysaa sidii ay ugu guulaysan lahayd koobka kubadda cagta ee qaarada Afrika ee sanada 2019 kaasi oo lagu qabanayo dalka Comeroon.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker