Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Amar Dul Dhigtay Cisbitaalada Gaarka loo Yahay

Wasaarrada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa markii ugu horraysay ku amartay cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee dalka in ay la wadaagn xogta macluumadka ee bukaanka ay hayaan, iyo dadka soo mara cisbitaaladooda ee ay dabiibaan .

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf ayaa sharraxay muhiimada ay leedahay in la ogaado macluumadka bukaanka iyo cudurka haya si loo ogaado xanuunada dalka ku badan iyo inta bukaan ee la il-daran.

“Adeegyo badan oo cisbitaalada gaarka loo yahay qabtaan ayaanay wasaaradda caafimaadku indho ka qaadin baa jira, laakiin waxa muhiim ah dadka soo booqday tiradooda iyo xanuunada ay qabeen xogtooda oo cisbitaalku hayo in Wasaaradda aad la wadaagtan waayo waxaa ku xidhan sidii ay wasaaraduu u qorshayn lahayd adeega guud marka ay xogtaa hesho “ ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayey furitaanka Cisbitaalka Haldoor.

Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf waxa uu faray dhammaan cisbitaalada gaarka loo leeyahay in xogtaa keenan xarumaha wasaaradda caafimaadku ku leedahay dalka si loo diwaangeliyo isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Waxaan farayaa cisbitaalada gaarka loo yahay wixii kaleba haynoo danbeeyaanee xogtaasi wax badan ayey taraysaayee , Wasaaradda caafimaadkuna qayb la socota oo diwaan gelisa ayey leedahayee bishiiba inta idin timaad wasaaradda hala keeno si saddexdii biloodba aynu xogta bukaanka iyo cuduradda inagu badan u helno “

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland

Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker