Trump oo raadinaya qofkii baddali lahaa garsoore shaqada ka fadhiisanaya
Madxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in si deg deg ah uu raadinaya qofkii baddali lahaa garsooraha maxkamadda sare Anthony Kennedy oo dhawaan howlgab noqonaya.
Garsooraha maxkamadda sare ee Mareykanka Anthony Kennedy ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka fadhiisanaya 31-ka bisha July markaaso da’diisu ay noqonayso 81 sanno.
Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay North Dakota wuxuu yiri ” waan in aan soo xulannaa garsoore da’diisu ay tahay 40 ilaa 45″
Xubnaha aqalka senetka ayaa billaabay dadaalo cusub ay ku jihaynayaan maxkamadda sare ee Mareykanka sidii ay uga arrinsan lahaayeen qofka baddali doono garsoorahan
Bixitaanka Garsoore Kennedy , waxay madaxweyne Trump siinaysaa fursad ah inuu isu dheelitirnaanka laanta caddaaladda dalkaasi uu saamayn ku yeesho islamarkaasna wuxuu doonaya garsooraha baddali doono ninkan inuu jaanjeero dhankiisa.
Garsooraha ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inuu doonaya in wakhti badan uu la qaato qoyskiisa 30 sanno kaddib uu ka shaqaynayay maxkamadda sare.