Siyaasi Faarax Macalin oo shaaciyey in Ganacsatada Soomaalidu ay ka wareegeen Dalka Kenya
Nairobi (OWN) – Siyaasiga Faarax Macalin oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in inta
badan ganacsatada Soomaalida, maalqabaneeda iyo Qurbe joogta ay ka wareegeen dalka Kenya, una wareegeen dalalka Itoobiya iyo Turkiga.
Faarax Macalin ayaa shaaciyey in 50,000 oo Qoys oo Soomaali ah ay deganaansho rasmi ah ka heleen gudaha dalka Turkiga,
kuwaas oo markii hore ku noolaa Kenya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ganacsato iyo maalqabeeno badan oo Soomaali ah u wareegsadeen dhanka dalka Itoobiya
oo ay ka bilaabeen howlahooda ganacsi.
Siyaasiga Faarax Macalin ayaa in arrintan u sababeeyey siyaasad xumada wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo uu aad u dhaliilay.
oo uu xuusay inuu sanad ka hor ka digay.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa hoos u dhac ballaaran laga dareemayey ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, kaas oo sanadihii la soo dhaafay dhulka galay.