Dab Xoog leh oo ka kacay Xaafadda Soomaalida Ee Magaalada Cape Town Dalka Koonfur Afrika

Wararka naga soo gaaraya dalka Kooonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad Soomaali uu ka kacay dab xooggan.

Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in dabkaas uu ka bilaawday mid ka mid ah ganacsiga ugu weyn ee magaalada Cape Town.

”Dabka wuxuu uu ka kacay Dukaanka weyn ee OK Furniture ee Alaabada guryaha lagu iibiyo ee ku yaalla kasoo horjeedka KFC ee bartamaha Bellville,waxaana gurmad baaxad leh sameeyey Kooxaha Dab-damiska oo goobta soo gaaray, iyadoo ay u muuqato inuu gabi ahaanba baabi’iyey Dhismaha Dukaanka iyo agabkii yiilay”.

Alxamdulillaah ma jiro wax khasaare ah oo Soomaalida halkaasi ganacsiga ku leh ama guryaha ku dheggan deggan Dabkaasi kasoo gaadhay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo Ganacsi ku leh,kuwaas oo mararka qaar loo geysto dil iyo boobka hantidooda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker