Wafti ka socda Eritrea oo gaadhay Magaalada Adiss Ababa ee Ethiopia

Wafti heer sare oo ka socda Eritrea ayaa ku sugan dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia, halkaasi oo ay ku geli doonaan wada-hadallo taariikhi ah, oo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika.  Waftigan ka socday Eritrea ayaa isla maanta gaadhay magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.Map of Border Between Eritrea and Ethiopia

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii tagey ballanqaaday inuu wafti u dirayo Ethiopia.

Ballanqaadka Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.

Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.

Eritrea oo horey u ahayd gobol ka tirsan Ethiopia, ayaa go’day sanadii 1993-kii.

 

Xigasho (VOA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker