Haweenay Orod Jimicsi Ah Samanaysay Ku Doonatay Xabsi

Haweenay da’ yar oo u dhalatay dalka Faransiiska, balse ku sugnayd dalka Canada ayaa orod rucleyn ah oo jidh-dhis ah u tagtay xeebta dalkaas, balse iyada oo aanan is ogeyn ayay goysay xudduuda Maraykanka, halkaas oo la dhigay xabsi. Ciidamada illaalada xudduudaha Maraykanka ayaa gabadhan u xiray sidii iyada oo ah qof soogalooti ah oo sharci darro ku galay Maraykanka.

Cedella Roman oo 19 jir ah, ayaa booqasho ugu tagtay hooyadeed oo Canada degan, waxayna warbaahinta Canada u sheegtay in ay dhawr mitir uun gudaha u gashay dhulka Maraykanka. “Uma aanan malaynaynin in la i xidhi doono, kaliya waxaan is lahaa haddii ay ugu badato waa lagu ganaaxayaa maadaamaa aanan si ula kac ah u samaynin” ayay tidhi. Markii la qabtay ayaa waxaa loo kaxeeyay xero lagu hayo dadka soogalootiga ah oo 220km u jirta meeshii laga qabtay, halkaas oo lagu magacaabo Tacoma Northwest oo ku taala gobolka Washington. Waxaa lagu xidhey qol ay ku jiraan dad ka badan boqol qof, halkaas oo ay eey gaadh ka hayeen.

Markii dambe ayaa loo ogolaaday in ay la xidhiidho hooyadeed Christiane Ferne, taas oo ugu timid xabsiga, iyadda oo wadday baasaboorka gabadha si loosoo daayo. Balse saraakiisha Maraykanka ayaa diiday in ay siidaayaan gabadha illaa mas’uuliyiinta socdaalka Canada ay ka imanayaan, waxaana la siidaayay 15 maalmood kadib markii la xidhey. Afhayeen u hadlay illaalada xudduudaha Maraykanka ayaa sheegay in qof kasta oo soo gooya xudduuda Maraykanka isaga oo aanan sharci wadanin in uu jabiyay sharciga, lana xidhayo

Xigasho: BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker