Booliska Magaalo Dhan Oo Mexico Ku Taala Oo Xabsiga La Dhigay

Dhammaan askartii ka tirsanayd ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii la dilay musharax u taagnaa xilka duqa magaalada. Arrintan waxa ay ka dhacday magaalada Ocampo, waxaana dhacday in la diley Fernando Ángeles Juárez oo ahaa musharax u taagan xilka duqa magaalada Ocampo.

Wax ka badan 100 siyaasiyiin ah ayaa lagu diley dalka Mexico, ka hor doorashooyinka 1-da July dhacaya. Askarta booliiska magaaladan ayaa ka koobnaa 27 askari, kuwaas oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay saacadihii hore ee Axadda.

Dilka musharaxa ayaa waxaa looga shakiyay xoghayaha amniga ee magaaladan, kaas oo markii ciidamadda federaalka ay soo gaareen magaalada, dambeena in ay xiraan waxaa is hor taagay booliiska. Balse saraakiisha federaalka ayaa la yimid ciidamo dheeraad ah, kadibna xabsiga u taxaabay dhammaan askartii booliiska

Xigasho: BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker